Nuur Cadde: Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo laga helay Corona

Image

LONDON, UK – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde], ayaa la dhigay isbitaal ku yaala caasimadda Ingiriiska ee London kadib markii uu soo ritay xanuunka dunida aafeeyay ee Covid-19.

Xubno ka tirsan qoyskiisa oo xaqiijiyey in sideed maalmood kahor laga helay caabuqa ayaa sheegay in Nuur Cadde uu wanaagsan yahay isla markaana ay dhakhaatiirtu ku dedaaleyso.

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed oo u waramay saxaafada ayaa sheegay beeniyey wararka lagu faafiyey baraha bulshadda ee tilmaamaya "in uu geeriyooday mas'uulkaan Soomaaliyeed".

"Bulshadda Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay u soo duceeyaan Nuur Cadde iyo dadka kale ee lamid ah," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Nuur Cadde ayaa wasiirka koowaad ka ahaa dowladdii ku meel gaarka ahayd ee sanadkii 2007-da. Wuxuu lasoo shaqeeyay AU Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ra'iisul wasaaraha haatan talada haya ee Xasan Cali Khayre oo qoraal soo dhigay baraha bulshadda ayaa sheegay in uu telefoonka kula hadlay qoyska iyo Nuur Cadde, isagoo u rajeeyay soo kabasho.

"Waxaan alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra'iisul Wasaarahii hore ee dalka, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin," ayuu Khayre ku yiri barahiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka iyo Facebook.

Sikastaba, Nuur Cadde ayaa wuxuu ku biiray liiska Soomaalida ee laga helay xanuunkaas, kuwaas oo badankooda ay ku nool yihiin dalal ku yaala qaaradda Yurub. Qaarkood waa ay u dhinteen, halka kuwa ay isbitaal ugu jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM