Qaabka lagu soo xulayo Barlamanka Jubaland oo laga dooday

Image

December 31, 2014 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo golihiisa wasiirada oo ku shiray madaxtooyada Kismaayo ayaa ka arrinsaday habka lagu soo xulayo golaha Barlamanka Jubbaland.

Wasiirada qaar ayaa soo jeediyey fikirka ah in xubnaha Barlamanka loo qeybsado qaab qabiil ama hanaanka ah 4.5 inkastoo ay fikir taas ka duwan qabeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Jubaland.

Dood dheer oo socotay mudo kadib waxaa ugu dambeyn laysla gartay in golaha Barlamanka lagu soo xulo hab deegaan iyo sida ay degmooyinka u kala dagaan qabaa'ilka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ku midoobay maamulka Jubbaland.

Waxaa horay loo sii diyaariyey dhismaha uu ku shaqeyn doono Barlamanka Jubaland ee la filayo in dhowaanta la bilaabo soo xulistiisa.

Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sanadii labaad wada dhameystirka maamulka iyo soo xulida xubnaha Barlamanka Jubbaland, wuxuuna sheegay in caqabado badan jireen balse hada laga gudbey lana joogo gaba gabadii.

Halkan ka akhri heshiiska maamulka Jubaland iyo Koonfur Galbeed

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM