Qadar oo lagu eedeeyay in ay DF siiso laaluush "si loo xumeeyo dalal"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa shaaciyey in Qadar ay ka dhigtay dowladda Soomaaliya "koox iyo aalad ay adeegsato".

Wasiirkii hore e Qorsheynta Soomaaliya oo u waramay telefishinka Shabelle ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda Dooxa ay laaluush siiso dowladda Farmaajo "si loogu fuliyo ujeedooyin siyaasadeed".

Sidda laga soo xigtay Warsame, Qadar meelna kagama jirto taariikhda xiriirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

"Qadar waa dowlad ka shaqeysa qalalaaso in la sameeyo kaliya; waxaa caddeyn u ah aduunka ururada ay la macaamisho; dowlada caalamka qaar si ayay u shaqeystaan; qaar xiriirka taariikhiga ah ayay ku shaqeystaan, qaarna mucaaradka, jabhadaha iyo ururada ayay la shaqeystaan; that is why Qadar uu xafiis furan yahay; Taliban, Xamaas, Xisbulah, Aqwaanu Muslimiin; saameyntooda waxay ku raadinayaan in ay none state actors-ka taageeraan," ayuu hadalkiisa u dhigay siyaasigan mucaaradka ku ah Villa Soomaaliya.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyey: "Qadar sideedaba dowlad taageerta dowladaha ma aysan ahayn; dowladeeniiyee waxay ka dhigtay none state actor, waxay rabtaa in ay dowladeena u isticmaasho in ay tahay koox dadka iyo dowlado kale lagu dhibaayo oo xiriirkooda lagu xumaynayo, dowladeena haatan waa aalad ay Qadar u isticmaasho in ay dowlado kale ku dhibto.

Go'aankii ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Itoobiya kagana soo horjeesatay Masar kulankii uu ururka Jaamacada Carabta kaga hadlay muranka webiga Nile ayuu su'aal geliyey, talaabadaas oo Muqdisho ay difaacday.

Qadar ayaa lagu eedeeyay in ay bixisay dhaqaalihii ay dowladda Soomaaliya u adeegsatay; mooshinkii lagu riday afhayeenkii Golaha Shacabka, Prof Jawaari, iyo madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir oo horey ula soo shaqeeyay Al Jazeera, ayaa la fahansan yahay in uu yahay isku xiraha Muqdisho iyo Dooxa, soona qaadey lacagtii lagu doortay Farmaajo, February, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM