Fahfaahinta qaraxii lagu weeraray xarunta degmada Warta Nabada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo lagu weeraray xarunta degmada Warta Nabadda ee magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Sidda uu xaqiijiyey Booliska, weerarka oo ahaa Is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay iridka laga galo dhismaha xarunta.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in xarunta ay ka socoto qaybinta raashiin qalalan loogu talo galay in lagu Afuriyo dadka dabaaleysan.

Goobjoogeyaal ayaa kusoo waramaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimaso iyo dhaawac, wallow illaa iyo haatan aanan lagu sameynin waxyeelada tirakoob sax ah.

Ma jirto koox illaa iyo hadda dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaasi, wallow ficilada noocaan ah looga bartay maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Qaraxaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee tan iyo markii uu bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan ka dhaca magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Si lamid ah, waxa uu kusoo aadayaa weerarkaan xili Muqdisho ay ku jirto xaalad degdeg ah oo loo geliyay markii ay bateen falalka khal-khalka gelinaya nabad-gelyadda.

Laamaha amaanka oo horey uga digay in ay magaaladda ku jiraan gaadiid miineysan ayaa si joogto ah u sameynayay howlgalo balaaran oo lagu xasilinayo magaalada caasimada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM