Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Afgooye [Fahfaahin]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa ka dhacay meel baabuurta laga raaco [Boos-teejo] oo ku taalla bartamaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha, maanta oo Axad ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qaraxa, oo ahaa mid culus oo jugtiisa meelo fog laga maqlay, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in hal ruux oo rayid ah uu ku dhintay, labo Askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha maamulka degmada ayaa sheegay in gaariga qaraxay lala damacsanaa Gaari ciidan oo wadada mararay, balse ka badbaaday, iyadoo uu goobta ku dilay qof shacab ah, oo meesha marayay.

Weerarka waxa uu ka dhacay meel u dhaw xaruntii hore ee Wakaaladda Biyaha ee degmada Afgooye, oo qiyaastii 30-KM u jirta magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Meesha ay wax ka dhaceen waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo Gaadiidka ka qaadaysay Canshuurta degmadda, sida ay goobjoogiyaasha u sheegeen Garowe Online.

Qof magaciisa khariyay ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan Askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, inkastoo aanan la hubin tiradda, waxa uu intaas ku daray inay dhici karto in khasaaraha uu intaas ka bato.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan ah ka fuliya degmada, inkastoo aanan jirin war rasmi ah oo kasoo dhinacooda oo ku saabsan weerarkaan Axadda maanta ah ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli xalay ay Al-Shabaab weerar ku qaadey Degmada Afgooye, oo ka taagan dhibaatooyin dhanka amniga ah, iyadoo ay ka dhacayaan weeraro joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM