Somalia: Faahfaahinta Khasaaraha Qaraxa Muqdishu

Image

MUQDISHU- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacantay qarax baabuur oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdishu.

Qaraxan ayaa xooggiisa laga dareemay meelo badan waxaana goobjoogayaashu sheegayaan inuu ka dhacay mele u dhow maqaayad ay fadhiistaan dadweynaha iyo ciidamada amniga. 

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid uu sababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Wararku waxay kaloo intaasi ku darayaan in goobta qaraxu ka dhacay ay u dhowdahay xarunta hay'adda nabadsugidda. 

Dadka dhintay ayaa iskugu jira laba qof oo ah dhalinyarada baalashlayaasha iyo qof saddexaad oo saarnaa baabuurka curyaamiinta. Warbixinta ku saabsan qaraxaas iyo dil ay dawladdu ku fulisay laba qof oo hore loogu helay dilka weriye Hindiyo Xaaji Maxamed hoos ka dhagayso.

VOA

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM