Rasaas "lagu furay" kontaroolka laga ilaaliyo guriga Sheekh Shariif

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda ka jira Soomaaliya ayaa sheegtay in rasaas lagu furay xaruntooda ahna hoyga Shariif Sheekh Axmed.

War qoraal ah oo kasoo baxay madasha laguna faafiyey baraha bulshada ayaa lagu xusay in falkaas uu ka dambeeyay gaari ay leeyihiin Ciidamadda Booliska, kaas oo ay soo bandhigeen macluumaadkiisa oo dhan.

"Gaari nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa rasaas ku furay checkpoint laga ilaaliyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoyga uu degan yahay Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed," ayaa lagu yiri bayaanka oo Arbacada maanta ah soo baxay.

Sawirro laga soo qaadey kontaroolka ayaa muujiyey in rasaasta ay haleeshay qaar kamid ah dufeesyada laga ilaaliyo xarunta, wallow aysan kala caddeyn hadii ay jirto waxyeelo dhimasho ama dhaawac ah.

"Gaarigan ayaa si' bareer ah rasaas ugu furay ciidanka ilaalada Sh. Shariif, waxayna askarta Guddoomiyaha Madasha muujiyeen masuuliyadd wax jawaab celin ahna kama bixin falkaas oo ay ka dhalan kartay xaalad dagaal," ayuu ku daray warka qoraalka ah.

War-saxaafadeedka ayaa intaas raaciyey: "Masuuliyadda ay muujiyeen ilaalada Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa muujineysa wacyi gelinta ay ka heystaan hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu ugu horreeyo Madaxweynihi hore, waxaana tani noqoneysaa isku deygi seddexaad oo ah xaalad abuur lagu beegsaday Hoyga Madaxweynaha iyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran"

Xildhibaan Yusuf Hussein Gama'diid, Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran oo kamid ah xisbiyadda ku midoobay madasha, ayaa lagu waramay in uu kormeeray barta kontrool ee la rasaaseeyey.

Dhanka kale, illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ku aadan eedeynta oo kasoo baxay dhanka Dowladda federaalka Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in xukuumadda ay ciidamo dul-dhigtay hoyga Shariif Sheekh Axmed, hase ahaatee, dowladda ayaa gaashaanka ku dhufatay warbixinadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM