RW Somalia: Puntland shirka kama maqna way joogtaa"

Image

ISTANBUL- Magaalada Istanbul ayaa waxaa ka furmey maalintii shaley 23 Feb,2016 kulan looga hadlayo arrimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo hurumarinta kaasoo ka qayb galayaan dowlada Federaalka iyo qaar ka tirsan madaxda maamulada Somalia.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Sharmake, xubno ka tirsan golayaasha fulinta iyo sharci dajinta Somalia, Madax ka socota maamul goboleedyada qaybtood, Ergooyin matalaya 50 dal iyo hay’ado caalami ah.

Maamulka Puntland ayaa shirkaan ka baaqsadey inuu ka qayb galo iyadoo madaxweynaha dowlada Puntland uusan tagin xarunta dalka Turkiga halkaasoo madaxda dowlada Federaalka ku iibinayaan in laga tageero sidii loo hirgalin lahaa nidaamka doorasho ee 4.5.

Dhinaca kale Ra'isal wasaaraaha Somalia Cumar Cabdirashid oo wareysi kooban siiyey talefishin la yiraahdo Somali Cable ayaa sheegey in Puntland shirkaan joogta islamarkaana uu wakiil ka yahay wasiir ka tirsan golaheeda xukuumada.

" Horta Puntland shirka kama maqna oo shirka way joogtaa, wasiir ayaa matalaya, madaxweynihii ayaa ka baaqsadey oo arimo cududaar ah sheegtey iyadana waan u garowney, lakiin wasiir ayaa matalaya, wayna jootaa shirka." ayuu yiri Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid oo ka jawaabaya su'aal aheynd in Puntland shirka Istanbul ka maqan tahay.

Ra'isal wasaraha Somalia ayaa sidoo kale sheegey in kulankan lagaga hadlayo sidii loo hirgalin lahaa nidaamka 4.5 kaasoo dowlada Federaalka qorsheyneyso in lagu soo xulo xildhibanada Barlamanka halka uu meesha ka saarey in dhaqaale lagu bixinayo barnaamijkaan uusan weli jirin.

Shirka ka socda dalka Turkiga magaalo madaxdiisa Istanbul ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galey wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland kuwasoo sheegey ineysan ka qayb galeen kulanka siyaasdeed balse meesha u jogaan kulamo kale oo looga hadlayo arrimo khuseeya shaqadooda.

Wasiirka shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha dhalinyarada oo kamid ah xubnaha Puntland ee halkaas tagey oo la hadlay talifishinka Somali Cable ayaa ka gaabsadey inuu sheego in Puntland qaadacdey kulanka Istanbul.

"Dowlada Puntland waad ogtihiin madaxweynaha shirkaan ma uusan imaanin, labo Kulan oo muhiim ahaa midna ay tahay tan haweenka iyo tan dhalinyarada ayey aheyd ujeedada ugu weyn ee xubnaha Puntland uga soo qayb galeen kulankaan." ayuu yiri wasiirka dhalinyarada Puntland isagoo sharaxaad ka biixnaya sababta shirkaan u yimaadeen.

Cabdiraxman Shiikh Axmad isaga oo ka jawaabaya in Puntland in ay ka qayb galeyso shirka siyaasada ee u dhexeeya dowlada Federaalka, maamulada Somalia iyo beesha calamka ayaa yiri " Shirka wayn oo ay isugu yimaadeen ummadda Somaliyeed waxay aheyd in madaxweynaha Puntland kasoo qayb galo, madaxweynuhuna wuu ka baaqdey." Wasiirka oo la waydiinayo sababta madaxweynaha Puntland kulankaan uga baaqdey ayaa yiri mar kale " Su'aashaas waxay u baahan tahay is-weydiin badan, madaxweynaha safar kale oo Mareykan ah ayaa ku soo aadey sidaas darteed ayaan is-leeyahay wuu uga baaqdey inuu shirka yimaado." 

Wasiir Cabdiraxmaan oo la waydiiyey in Puntland shirkaan qaadacdey ayaa yiri " qaadacaad macno kale ayey sameyn kartaa lakiin waxaan ka hadlayaa anigu su'aasha aad i waydiisay shirka qaabka aan u imid, anigu waxaa u imid arimaha dhalinyarda sidaas ayaa madaxweynhu ugu soo direy taas ayaan u imid iyadaana ku shaqeynayaa, lakiin shirar kale oo socda layma soo idman inaan ka qayb galo."

Wareysiga Ra'isal wasaaraha Somalia iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland ayaa ku soo aadaya xilli warsaxafdeed ku taarikhyasan 23 Feb, 2016 kasoo baxey xafiiska madaxweynaha Puntland kaasoo u qoranaa sidatan: 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 23-Feb-2016 ka amba-baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo muddo ha todobaad ah uu hawlo shaqo u joogey isagoo kusii jeeda Magaalada Washington DC ee Xarunta Waddaka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale safar ku tegi doonaa gobollada kala duwan ee dalka maraykanka halkaas oo uu shirar iyo kulamo kula qaadan doono Jaaliyadaha kala duwan ee reer Puntland ee ku dhaqan qaaradda America, kulamadaas oo intooda badan salka ku hayn doona qaabkii ay jaaliyaduhu uga qayb qaadan lahaan horumarka baaxadda leh ee Puntland ka socda iyo talooyinkooda ku aadan halbeegga awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ay Puntland qaadacday in dalka dib loogu celiyo, balse ay Dawladda Federaalku weli dabada ka riixayso sidii markale dalka dib loogu celin lahaa awood qaysiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ummadda Soomaaliyeed ragaadiyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kabaaqday shirka shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee uu Marti gelinayo Waddanka Turkigu, kadib markii uu u arkay Madaxweynuhu shirkaasi in uu yahay mid ummadda Soomaaliyeed lagu Jaahwareerinayo isla markaana aanay wax dan ahi ugu jirin ummadda Soomaaliyeed shirkaasi oo aanu waxba kaga duwanayn shirarkii hore u bur-buray ee lagu qabtay Kismaayo iyo Muqdisho.

Shirka ka furmaya magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga ayaa ah labo qaybood, qaybta hore ayaa ah mid looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub(New Deal) oo arrimaha diiradda lagu saari doono ay ka mid tahay maalgashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha waxaana qaybtaa Puntland uga qayb geleya Wasaaradaha Qorshaynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Madax New Deal-ka u qaabilsan Puntland Maxamed Xassan Barre.

Qaybta labaad ee shirka Istanbuul ayaa ahaan doonta mid looga hadlayo siyaasadda dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi doonta bilaha August iyo September ee fooda inagu soo haya, qaybtan Puntland kama qayb geli doonto maadaama Dawladda Federaalku aanay weli wax tanaasulaad ah ku samayn go’aankeedii ahaa in dalka dib loogu celiyo awood qaybsigii qabiilka ee 4.5, sidoo kalena ay Dawladda Puntland ku taagan tahay go’aankii shacabkeeda ee ahaa in aan dalka Soomaaliya dib loogu celin hannaankii hore usoo daashadey ee ee awood qaybsiga qabiilka ee 4.5.

---DHAMMAAD----

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM