Saaxiibada caalamka Soomaaliya oo walaac ka muujiyey xaalada Gedo

Image

MUQDISHU, Soomaaliya - Kadib markii dowlada Mareykanka culeys ku saartey dalalka Soomaaliya iyo Kenya iney qaboojiyaan xiisada Baladxaawo ayaa warsafadeed waxaa soo saarey saxiibada Soomaaliya ee caalamka.

Beesha Caalamka ayaa ku sheegey bayaanka iney welwel ka qabaan ciidamada dowlada Federalka gaysay gobolka Gedo iyagoo ku baaqey in xaalada la dajiyo.

Madaxweyne Farmaajo oo taleefan kula hadlay dhigiisa Kenya Uhura Kenyatta ayaa aqbalay casumaad loo fidiyey inuu Nairobi ku tago.

Sida mid kamid ah jaraa'idka ugu afka dheer dalka Kenya "Daily Nation" sheegey, wadahadalka taleefanka ee dhexmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa uu ku yimid kadib markii Abiy Axmad ku dalbadey Farmaajo inuu la hadlo Uhuru Kenyatta.

Abiy ayaa waxaa sida wargeyskaan sheegey dalka Mareykanka culeys ku saarey inuu taleefankaan u diro Farmaajo maadaama uu yahay "hogaamiyaha kaliya uu maqlo".

Ra'isal Wasaare Abiy ayaa tageersan siyaasada Madaxweyne Farmaajo kula dagaalamayo madaxda maamulada Soomaaliya, isagoo gacan ka gaystey isbadalkii lagu sameeyey natiijadii doorashada maamulada Koonfur Galbeed iyo in ciidanka SNA kala wareegaan inta badan gobolka Gedo.


Hoos ka Akhri warsasafadeedka beesha caalamka 

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogsoonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaagaan halkaas oo ay ka wada dhexeeyaan dano amni.

Waxaan soo dhoweynaynaa xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed 'Farmaajo' iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaana ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sameeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen. Saaxiibadu waxay u arkaan wada-hadalka dhexmaray madaxda in uu yahay tallaabo lagama maarmaan ah, waxayna hoosta ka xarriiqayaan muhiimadda uu leeyahay in uu sii socdo xiriir toos ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Kenya. Saaxiibadu waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahad-celinayaan xiriirka iyo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee uu sameeyay; waxaana ku boorinaynaa in wada-hadalkan uu sii socdo ilaa iyo inta xal waara laga gaarayo.

Si muddada dheer loo helo xasillooni loona xaqiijiyo amniga gobollada xuduudaha ku yaalla iyo kan Jubaland, saaxiibadu waxay ku boorrinayaan iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ku baaqayaan in shakhsi kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga.

Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in iskaashi buuxa iyo wadahadal dhexmara DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin lagama maarmaan loona baahanyahay inay ku dhacaan si dhakhso leh, si loola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arrimaha la isku hayo, loogana guul gaaro arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka sida ka-gun-gaarista faa’iidooyinka laga helayo cafinta deynmaha iyo qabashada doorashooyin qaran oo waqtigooda ku qabsooma.

* - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Qaramada Midoobay.

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM