Sababta DF Soomaaliya Shirkii Muqdisho Ugu Badashey Mid Amni

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii guddiyada farsamada maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka uga socdey Muqdisho maalintii Khamiista ayaa baaqdey kaasoo sida wararka aan ku heleyno lagu badaley kulan lagaga hadlayo amniga kaasoo uu shir gudoominayey Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo.

Kulankaan oo ay goob-joog ahaayeen Ra'isal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ku xiggeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Mas'uuliyiin kale ayaa looga hadlay xaaladaha amni ee uu dalku ku suganyahay, diyaar garowga dagaalka lagu ciribtirayo Al Shabaab, Qorshaha Difaaca Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Warfaafinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saxaafada u sheegey in kulankaan yahay midkii labaad ee golaha amaanka qaranka ee uu shir gudoomiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo xusay in la isku raacay in  Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada si wadajir ah ula dagaalamaan kooxaha nabadiidka ah ee Al-Shabaab.

Cabdiraxman Cumar Yariisow ayaa sheegey in shirkaan lagu ansaxiyey qorshaha difaaca qaranka ee Wasaarada Difaaca soo bandhigtey iyadoo sida kale lagu dhisey guddiga isku dhafka ciidamada qalabka sida Soomaaliya oo ka kooban xubno ka kala yimid dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Sababta dowlada Federaalka u daneyneyso arimaha amniga

Wararka aan ka helyno kulanka ka socda magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in sababta dowlada Federaalka u daneyneyso qodobka amniga ay tahay, in tan iyo intii dalka Ingriiska lagu qabtey kulankii lagaga hadlayey dib u dhiska ciidamada Soomaaliya ay Villa Soomaaliya ka gaabisay fulinta qodobadii muhiimka u ahaa in dib loo yagleelo dhismaha hay’adaha amniga dalka kuwasoo muhiim u ah in tageero dhaqaale loogu helo dib u dhiska hay’adaha amniga qaranka.

Dowlada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa marka ay buuxiso shuruudahaas kulan u qabato wadamadii ku yaboohey dhaqalaha dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya bilowga bisha December taasoo ay qayb ka ahaanayeen guddiyo ka socda maamul goboleedyada.

" Waxaa muuqata in dowlada Federaalka Soomaaliya ka leexaneyso sidii looga heshiin lahaa qodobada masiiriga ah ee saldhiga u noqon kara dib u dhiska qaran Soomaaliyeed, waxaana ka garan kartaa sida madaxda sare aysan khudbadahooda ugu soo hadal qaadin arimaha khilaafka keeney". Sidaas waxaa GO u sheegey xubin ka tirsan guddiga farsamada oo khadka taleefanka aan kula hadlney.

Kulanka uga socda magaalada Muqdisho Madaxda Soomaaliya oo galey maalintiisa Lixaad ayaa ilaa hadda aysan ka muuqan xiliga lasoo gabagabeynayo iyadoo weli qoraalkii kasoo bixi lahaa aan si rasmiya loogu heshiin qodbadii uu ka koobnaa sida qaybsiga khayradka dalka, mucaawinooyinka la siiyo Soomaaliya, joojinta faragalinta arimaha gudaha maamulada, dib u eegista Dastuurka halka dhinaca kale  la filayo in arinta Khilaafka Khaliijka gabi ahaanba laga aamuso soo hadal-qaadkiisa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM