Saldhig ay AlShabaab "ku diyaarineysay" duulaan oo la weerarey

Image
GEDO- Taliska ciidanka Daraawiishta ee Jubbaland ayaa sheegtay inay weerar ku ekeeyeen Saldhig ay xoogaga Al-Shabaab ku diyaarinayeen duulaan ka dhan ah xarumaha maamulkaan ee gobolka Gedo.
 
Jamaal Xasan Farey, oo ah taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaan oo ka dhacay degaanka Bohol oo 50 KM ujira Belad Xaawo ay ku dileen xubno Shabaab ah.
 
Taliyaha ayaa qiray in dhankooda iska hor-imaadka ah looga dilay Shan Askari, oo mid kamid ah uu yahay Sarkaal sare, isaga oo carabka ku dhuftay in dhanka Al Shabaab ay ka khaarijiyeen 11 xubnood.
 
Sarkaalka dhankooda uga dhintay dagaalka wuxuu magaciisa ku sheegay Cabdi Cabdullaahi, kaasoo darajadiisu ahayd Gaashaanle, islamarkaana kamid ahaa ciidamadda duulaanka hogaamineysa.
 
"Markii aan ka war-helnay inay Al-Shabaab halkaasi ku diyaarineyso duulaan ka dhan ciidamada Jubbaland, ayaa weerar ku qaadnay. 11 dagaalame ayaan uga dilnay, Gaadiidna waan uga gubnay," ayuu yiri Taliye Jamaal, oo u waramay warbaahinta.
 
Tuuladda Bohol oo udhaxaysa magaalooyinka Belad Xaawo iyo Luuq ee gobolka Gedo ayaa haatan lagu waramayaa in xaaladda halkaasi ka jirta ay taahy haatan mid degan, inkasta oo dhaqdhaqaaq ciidan ay socdaan.
 
Weerarkaan ayaa kusoo aadaya xili degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka dalka ay ka socdaan Guluf balaaran ah oo ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab, kaasoo ay si wadajir ah u fulinayaa ciidamada xooga dalka iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.
 
Horaantii bishaan ayey ahayd markii Taliska ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya uu sheegtay in howlgal ay ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose ay uga hor-tageen weerar kusoo wajahnaa caasimada dalka ee Muqdisho.
 
Dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey iney ku guul dareyatey la dagaalanka kooxaha Al Shabaab kuwasoo dhaqdhaqaaq xoogan magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM