Sarkaal afar xil oo muhiim ah u hayey Al-Shabaab oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa lagu dilay sarkaal xilal kala duwan ka hayey Al-Shabaab, sidda ay warisay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya.

Sidda ku cad warbixinta, howlgalka lagu beegsaday Bashiir Maxamed oo loo garan og-yahay Qoorgaab ayaa degmada Saakow ee gobolkaas ka dhacay 22-ka bishii lasoo dhaafay ee Febraayo, 2020.

Iskaashi ay sameeyeen sirdoonka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa suurtagelisay dilka Qoorqaab, sidda ay warantay SONNA, oo ah wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa Xukuumadda federaalka ah.

Ma jiro xaqiijin rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxday Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika kaasoo looso gaabiyo AFRICOM.

Waa kuma Qoorgaab?

Qoorqaab oo aad ugu dhowaa hogaanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa geeridiisu waxay saameyn "kartaa meelo badan oo kooxda dhexdeeda ah."

Sidda ay muujinayaan macluumaadyo dhinaca mukhaabaraadka ah, wuxuu ahaa abaanduulaha guud ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Si lamid ah, waxaa la tibaaxay in uu ahaa madaxii howlgaladda ee dalka Kenya, halkaasoo ururka uu ka fuliyey howlgalo xoogan.

Intaas waxaa u wehlisay in uu xubin ka ahaa Golaha Fulinta. Si lamid ah, wuxuu ahaa u qaabilsanaha weerarada xerooyinka ciidanka.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa horey madaxiisa u dul-dhigay aduun lacageed dhan 5 milyan oo Doolar, taasoo loo balanqaadey qof kasta oo soo gudbiya xog, ugu yaraan, lagu qaban karo ama lagu dili karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM