Sarkaal afar xil oo muhiim ah u hayey Al-Shabaab oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa lagu dilay sarkaal xilal kala duwan ka hayey Al-Shabaab, sidda ay warisay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya.

Sidda ku cad warbixinta, howlgalka lagu beegsaday Bashiir Maxamed oo loo garan og-yahay Qoorgaab ayaa degmada Saakow ee gobolkaas ka dhacay 22-ka bishii lasoo dhaafay ee Febraayo, 2020.

Iskaashi ay sameeyeen sirdoonka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa suurtagelisay dilka Qoorqaab, sidda ay warantay SONNA, oo ah wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa Xukuumadda federaalka ah.

Ma jiro xaqiijin rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxday Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika kaasoo looso gaabiyo AFRICOM.

Waa kuma Qoorgaab?

Qoorqaab oo aad ugu dhowaa hogaanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa geeridiisu waxay saameyn "kartaa meelo badan oo kooxda dhexdeeda ah."

Sidda ay muujinayaan macluumaadyo dhinaca mukhaabaraadka ah, wuxuu ahaa abaanduulaha guud ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Si lamid ah, waxaa la tibaaxay in uu ahaa madaxii howlgaladda ee dalka Kenya, halkaasoo ururka uu ka fuliyey howlgalo xoogan.

Intaas waxaa u wehlisay in uu xubin ka ahaa Golaha Fulinta. Si lamid ah, wuxuu ahaa u qaabilsanaha weerarada xerooyinka ciidanka.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa horey madaxiisa u dul-dhigay aduun lacageed dhan 5 milyan oo Doolar, taasoo loo balanqaadey qof kasta oo soo gudbiya xog, ugu yaraan, lagu qaban karo ama lagu dili karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM