Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa oo lagu dilay Bakool

Image

XUDUR, Soomaaliya - Mas'uuliyiinta amniga ee gobolka Bakool ee hoos-taga maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada xooga oo garab ka helaya kuwa AMISOM ku dileen sarkaal iyo ilaaladiisa oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay tuuladda Lafoole oo qiyaastii 30-KM u jirta degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayaa sarkaalka lagu dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Macalin Deerow.

Illo wareedyo dhinaca sirdoonka ayaa xaqiijinaya in Deerow lagu dilay iska hor-imaad uu kala hortagay ciidamo weerar kusoo qaaday goob uu ku dhuumaaleysanayey oo katirsan degaanka.

Deerow ayaa kamid ahaa madaxda Al-Shabaab ee tuulada Lafoole, inkastoo illaa iyo haatan aanan la ogayn xilka uu sida gaarka ah Shabaab uga hayey, iyo waxa uu ku howlanaa xiliga la beegsanayey.

"Howlgal ay ciidamada ka fuliyeen degaanada Lafoole oo 30-KM ujira Waajid waxaa lagu dilay sarkaal Shabaab ah oo lagu magacaabo Macalin Deerow oo lamid ah ilaaladiisa," ayaa yiri Gudoomiyaha degmada Waajid.

Kooxda Al-Shabaab wali kama aysan hadlin warka kasoo baxay hay'addaha nabad-gelyadda Koonfur Galbeed, ee ku aadan dilka sarkaalka lagu magacaabo Maclin Deerow.

Bilooyinkii ugu dambeeyay ciidamada xooga dalka oo ay wehliyaan kuwa dowlad goboleedkan ayaa kordhiyey howlgalada ay ka fulinayaan gobolada hoos-yimaada maamulkani, kuwaasi oo ay ku beegsanayaa horjoogayaasha Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM