Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo Baladweyne lagu dilay

Image

16 December, 2015(GO)-Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa saaka lagu dilay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan oo  muddooyinkii dambe ka socotay xiisad dagaal u dhaxaysa laba mallayshiyo beeleed.

Maxamed Muumin Cirba-dheere ayaa qayb ka ahaa ciidamo dowladdu kala dhex dhigtay labada mallayshiyo, waxaana toogtay mid ka mid ah ciidamada kooxaha ku dagaallaymaysa magalada.

Wararka aan ka helayno xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay ruuxii dilkaasi fuliyay.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay dadaallo ka socda magalada Baladweyne taasoo lagu soo afjarayo colaad sababtay geerida in kabadan 20 ruux kadib dagaallo dhexmaray beelo wada daga xaafadda Howl wadaag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM