Sarkaal ka tirsan mileteriga DF oo Muqdisho qarax lagula eegtay

Image

February 4, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey toddoba qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino lagu xiray gaari uu watey sarkaal ka tirsan ciidamada militeriga ee Dowlada Federaalka.

Mas'uulka la bartilmaameedsaday ayaa lagu soo waramayaa inaysan wax dhibaato ahi qaraxa kasoo gaarin.

Axmed Xasan Yaloow oo ah guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa sheegay in qofka dhintay iyo badi dadka dhaawacmay yihiin dad rayid ah oo xilligii qaraxu dhacayey goobta ka dhowaa.

Yaloow ayaa sidoo kale sheegay inuu socda baaritaan la xiriira qaraxa islamarkaana ciidamadu ku raad joogaan dhowr qof oo lagu tuhmey inay weerarkan ku lug lahaayeen.

Mas'uuliyadda weerarkan weli cidi ma sheegan, haseyeeshee ururka Al-shabaab ayaa magaalada Muqdisho horay uga geystey weeraro caynkan oo kale ah.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli ay maanta magaalada Muqdisho gaareen madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM