Senator ka digay in Ciidanka loo adeegsado Dano Siyaasadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Maxamuudd Mashruuc oo katirsan Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay in ciidamada qaranka iyo Garsoorka loo adeegsado dano Siyaasadeed.

Maxamuud Mashruuc ayaa dhacdo fool xun, oo xanuun badan ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan Hoyga Senator kamid ah Aqalka Sare, islamarkaana lagu xad-gudbo xasaanadiisa.

"Waa dhacdo fool xun, xanuun badan oo aan la garan karin tafsiirka ay yeelan karto in Senator ka tirsan Aqalka Sare hoygiisa la weeraro, iyadoo loo adeegsaday ciidan dawladda ka tirsan," ayuu yiri Mudanaha.

Waxuu Senator Maxamuud Mashruuc ku baaqay in Masuuliyaddda falkaasi sharci darrada ah ee lagu weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid meel la saaro, lana helo cid yeelata oo lagula xisaabtamo.

"Waa in meel la saara falka fool-xun ee dhacay, ma ahan in xukuumadda mar walba shacabka la hor-istaagto waan khaldannay ee raali naga ahaada," ayuu hadalkiisa raaciyay Senator Maxamuud Mashruuc.

Senator Maxamuud Mashruuc ayaa ka digay sidoo kale in Hay'adaha amniga laga mashquuliyo cadowgooda iyo waajibaadka loo igmaday ee ah soo celinta nabadda iyo kala dambeynta.

Ugu dambeyntii, Mudane Maxamuud ayaa Sanadka cusub ee 2018 uu rajeeyay Soomaaliya degganaasho Siyaasadeed, horumar iyo Barwaaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM