Shaakir oo ka digay in lagu "xadgudbo" Galmudug xili uu khilaaf jiro

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxa uu ka digay in lagu xadgudbo maamulkiisa xili uu taagan yahay khilaaf kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Sidda ay wararku sheegayaan ismaandhaafka labada dhinac ayaa daaran cidda soo magacaabeysa Guddiga Doorashooyinka ee qabanaya coddeynta lagu dooranayo hogaanka xiga iyo soo xulitaanka Xildhibaanadda cusub.

Shaakir ayaa todobaadkan magacaabay Guddi uu ku sheegay "midka waafaqsan Dastuurka Galmudug ee doorashooyinka". Waxaase kasii horeeyay Guddi kale oo ay magacowday dowladda dhexe.

Guddiga xukuumadda oo loo bixiyey "Guddiga Farsamada maamul dhisitaanka Galmudug" ayaa ku sugan Dhuusamareeb, halkaas oo ay kawada kulamo kasoo horjeeda guddigii Sheekir oo xubno qaar ay iska casileen.

Isaga oo la hadlayey Guddiga uu magacaabay kadib kulan ay ku yeesheen magaala madaxda dowlad goboleedka, Shaakir ayaa u sheegay dowladda iyo Beesha Caalamka "in ay ku dabagalaan shaqooyinka ay qabanayaan".

"Beesha Caalamka waa in ay nagu koontaroosho waxa aan sameyneyno, wixii aan ku xadgudubno ay dhahaan waxaasaa xadgudub ah, wixii nalku xadgudubayana ay dhahaan [waa xadgudub]," ayuu u sheegay saxaafadda.

Gudoomiyaha ururka Ahlu Sunna ee maamula qaybo kamida gobolada dhexe ee Soomaaliya oo sii hadlaya ayaa wuxuu waydiistay saaxiibadda caalamka iyo xukuumadda in ay taageeraan Guddigiisa.

"Uma baahna Galmudug in lagu xadgudbo, caasimadeeda in lagu xadgudbo uma baahna bulshadeeda ama shacabka in lagu xadgudbo uma baahna, waxay u baahan yihiin in laysu soo dhoweeyo oo loo adeego," ayuu raaciyey.

Xildhibaanadda Galmudug ee baarlamaanka federaalka ku jira ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay "u midoobaan danta Galmudug" kuna dhahaan "shukran" cid kasta oo kaalin muuqata ka cayaareysa arrintaasi.

Amniga Dhuusamareeb ayuu cod dheer ku qeexay in sarre loo qaadi doono si looga hortago dhibaato loo geysto bulshadda iyo martida howlaha dhismaha maamulkaan u imaaneysa.

Hadalka Sheekh Shaakir ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayaan in uu fashil kusoo dhamaaday wada hadalo ay Dhuusamareeb ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, iyo wadaadkan.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramayaa in uu qorsheyneyo socdaal uu ku tago magaaladaas si uu u soo gabagabeeyo xiisadaha jira. Dhowr jeer ayay horey u tageen isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa damacsan in ay doorashada Galmudug ka hesho natiijo ka qoslisa, si ay ugu gogol xaarato doorashadda 2020-ka, balse xisbiyada iyo maamulada qaar ee dalka waxay uga digeen in ay farogelin sameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM