Shabakadii Al-Shabaab ee galbeedka Muqdisho oo xukunno lagu riday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda ayaa Khamiista maanta ah xukuntay shabakadii Al-Shabaab u qaabilsaneyd galbeedka Muqdisho, caasimada dalka.

Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, 23-jir, ina Wiilo Axmed Maxamed, ku dhashay Diinsoor, ayaa garka loo geliyey xukun dil toogasho ah.

Saadaq Cabdijibaar Cumar Xuseen, 21-jir, ina Kaamilo Maxamed, kuna dhashay Xamar, ayaa waxaa isana loo go'aamiyey dil toogasho.

Maxamed Axmed Cismaan Cumar, 24-jir, ina Aamino Siidow Farey, ku dhashay Xamar, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa'in

Ismaaciil Maxamed Aweys, 24-jir, ina Baarliin Sheekh Aadan, ku dhashay Kismaayo, xarunta KMG Jubaland, ayaa helay xabsi daa'in.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, fulinta dilalka qorsheysan iyo u kala gudbinta hubka.

Caddeymaha ay dacwad oogeyaasha horgeeyeen xeer-beegtada milatariga ayaa waxaa kamid ah; qiraalo, dukumiintiyadda dhimashada marxuumiinta, laba Bastoolad oo Biljim ah iyo mid Teetey ah.

Dadka ay khaarijiyeen ayaa waxaa kamid ah askar iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu khaarijiyey Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay garsooreyaasha, qareenadda xukunsaneyaasha ayaa waxay haystaan muddo ku suntay 30-casho ah oo ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM