Shariif oo shaaciyey mowqifkiisa booqashada Farmaajo ee Hargeysa

Soomaliya
By WARIYAHA MUQDISHO , GAROWE ONLINE
Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa caddeeyay aragtidiisa is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya – Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa su'aal geliyey ujeedada booqashada la codsaday in Farmaajo uu ku tago caasimadda maamulka Somaliland.

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa diidmadiisa ku saleeyay "maadaama aysan jirin wadahadalo dib loo bilaabay ama la shaaciyey in ay dhaceen".

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu sidoo kale waydiin ka keenay sababta loogu baahdey in ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu madaxweyne Farmaajo ku wehliyo socdaalkiisa Hargeysa.

Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayuu ku tartarsiiyey in ay si cad u caddeeyaan aragtidooda ku saabsan xasuuqii ka dhacay gobolada waqooyi.

Qaar kamid ah lataliyeyaasha Farmaajo ayuu xusay in ay qaarkood "aaminsan yihiin in uu sax ahaa duulaankaas isla markaana dowladii Siyaad Barre ay ilaaineysa midnimada Qaranka".

Mar uu soo hadal-qaadey is-dhexgalka gobolka ayuu xusay in Soomaaliya aysan qeyb ka noqon karin maadaama dhexdeeda uu ka jiro "khilaaf" una baahan tahay is-maqal iyo wadahadal.

Dhanka kale, dowladda uu majaraha u hayo Farmaajo ayuu ku dhaliilay in ay "ku fashilantay" xaqiijinta ammaanka iyo wadashaqeynta maamuladda.

"Hadii Facebook iyo cajalado la jarjaray la moodayo in dalkaan lagu xukumi karo, aniga taas ma moodaayo [in ay dhici karto]," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyntii, Shariif ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in ay wadahadalo isugu yimaadaan dhamaan saamileyda waddanka si xal looga gaarayo ismaandhaafyada haatan jira.

MUUQAAL SHARIIF

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey