Sheekh caan ahaa oo lagu dhex toogtey masjid Baydhabo ku yaal

Image

February 3, 2015 (GO)- Sheekh caan ahaa ayaa xalay lagu diley magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sheekha oo lagu magacaabi jirey Xuseen Xasan kana tirsanaa culimaa'uddiinka Ahlu Sunna, waxaa isaga oo salaada cishaha ku jira lagu dhex toogtey masjid ku dhow gurigiisa.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa inay sheekha dileen, iyagoo sidoo kale dhaawacay wiil uu dhalay oo markii weerarku dhacayey la joogey.

Af-hayeen u hadlay culimada Ahlu Sunna ee gobolka Bay laguna magacaabo Sheekh Isaaq Mursal Gees -Dheere, ayaa mas'uuliyada dilka sheekha dusha u saaray ururka Al-shabaab, isagoo ku goodiyey in loo aargudi doono.

Waa sheekhii labaad ee Ahlu Sunana ka tirsan oo muddo bil gudaheed ah lagu dilo magaalada Baydhabo.

Bishii hore ee January 18-keedii ayey ahayd markii Baydhabo lagu toogtey Sheekh  Shariif Siidkey oo ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo.

GAROWE ONLINE + VOA

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM