Shirkii Copenhagen oo furmay, khilaafka DFS oo lagu soo qaaday

Image
Image

November 19, 2014 (GO)- Gelinkii hore ee maanta waxaa ka furmay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark shir lagu qiimeynayo qaabka Soomaaliya uga faa'iideysatay barnaamijka New Deal ee sanadkii hore caalamku dhaqaalaha badan ugu balan qaaday si looga caawiyo dhinacyada dib u dhiska.

Shirka waxaa kasoo qayb galay wufuud ka socota 140 dal iyo hay'ado caalami ah waxaana shir gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa ka warbixiyey marxaladihii uu dalku soo maray labadii sano ee ugu dambeeyey, waxyaabaha ka hirgalay barnaamijka New Deal iyo weliba qorshaha dowladda uu hogaamiyo marka la gaaro sanadka 2016.

Wuxuuna sheegay inuu jiro horumar ballaaran oo la gaarey haseyeeshee wax badani dhiman yihiin, isagoo xusay in caqabadaha hortaagan in si buuxda loo fuliyo yoolashii Higsiga Cusub dhaqaale yaridu kow ka tahay maadaama Dowladda Federaalka lasoo gaarsiiyey 18% dhaqaalihii horay beesha caalamku ugu ballan qaadday.

Dhanka kale, wufuudda ka qayb gelaya shirka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya aad ugala dooday khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh, in badan oo ka mid ah ka qayb galeyaasha shirka ayaa soo jeediyey in khilaafkaas si deg deg ah xal looga gaaro.Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyey dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo mawqifka Dowladda Federaalku ka taagan tahay. Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in Dowladda Federaalku soo dhoweynayso.

Shirka oo sidoo kale ka qayb gelayaan wufuud ka socota maamullada ka jira dalka sida Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed wuxuu soo gaba gaboobi doonaa berri iyadoo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed lagu soo koobayo nuxurka shirka iyo go'aanada lagu gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM