Shuruud lagu xiray in dhaqaalaha Soomaaliya si joogto ah sare ugu kaco

Image

WASHINGTONG, US – Bangiga Aduunka ayaa sheegaya in uu rajeynayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan 2019 uu sarre u kaco 1%. Sanadkii hore, wuxuu ahaa 2.8%, waxaana midkan la filayaa in uu gaaro 2.9%.

Bartamaha sanadkan ayuu tibaaxay in uu ku kalsoon yahay in uu noqdo 3.2% illaa iyo 3.5%, inkasta oo shuruud lagu xiray in uu heerkaasi u talaabsado, sidda laga soo xigtay warbixin soo baxday Axadii.

Sidda ku cad qormadda, shuruuda ayaa waxay tahay sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha ee ay haatan wado dowladda, taasi oo horseedeysa kobac joogto ah.

Dalka dhaca Geeska Afrika ayaa xasilooni daro kasoo kabanaya tan iyo 1991-dii kadib dagaal sokeeye. Tobbankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa radaadiyey weeraro argagixiso oo ay geysaneyso AlShabaab.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladdu horumar ka sameysay dhanka canshuur uruurinta, taasi oo laga dareemayo sarre u kac 29%, taasi oo ka dambeysay markii la bedelay lix siyaasad oo ku wajahan.

"Iyadda oo ay tahay tani mid la dhiirogeliyo, haddana wali ma ahan mid ku filan dakhliga ay u baahan yihiin waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashadda," ayuu Bangigu ku sheegay maqaalkiisa.

Canshuur qaadida dowladda ayaa waxaa hareer-socota mid kale oo ay qaataan AlShabaab, taasi oo xitaa ka badan tan dowladda, sidda lagu ogaadey baaris kala duwan oo ay sameeyeen warbaahino caalami ah.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa si cad ugu sheegay wargeyska Washington Post in aysan waxba ka qaban karin dakhliga Shabaabka uga soo xarooda meelo ay Muqdisho kamid tahay.

World Bank ayaa si adag wuxuu Xukuumadda Muqdisho ugu booriyey in ay dhaqaalo badan oo cadaan ah ay ka hesho maamuladda si ay ugu dhiirogeliso Tacliinta.

Bishii May, hay’adda lacagta aduunka ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku socda dhabihii saxda ahaa, balse waxay ka digtay in uu wali khatar ugu jiro amni daro, isbedelka cimilada iyo saboolnimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM