Shuruudaha Musharixiinta doorashadda Jubbaland oo la shaaciyey

Soomaliya
By WARIYAHA KISMAAYO , GAROWE ONLINE
Xamse Cabdi Barre, gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland | Xuquuqda Sawirka: Garowe Online

KISMAAYO, Jubbaland - Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa soo bandhigay shuruudaha laga doonayo murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka doorashadda bisha soo aadan ee August.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saarey ayaa sidoo kale lagu shaaciyay jadwalka diiwaan-gelinta musharixiinta.

Sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, waxaa musharixiinta ragga ah laga doonayaa 30-kun oo dollar-ka Mareykanka, taasi oo ah diiwaan-gelinta.

Si lamid ah musharixiinta dumarka ah ee tartanka qeybta ka ah ayaa waxaa dhinacooda laga rabaa in ay bixiyaan kala bar lacagtaas oo ah 15-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey