Sidee oorintii Xildhibaanada u cadeysay 'dulqaad la'aanta' Farmaajo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Oorintii mudaneyaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku sameeyeen madaxweynaha furitaankii kalfadhiga golaha ayaa caddeysay dulqaad la'aanta Farmaajo, sidduu sheegay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo difaacay mudaneyaashii ku buuqay madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay eedeymo ku saabsan in xisbiyadda mucaaradka ay ka dambeeyaan talaabadaas.

Xildhibaanadda ku fooriyey hogaamiyaha dalka ayaa ku doodey in uu ku fashilmay hogaaminta waddanka iskana indha-tiray xaqiiqada dalka ka jirta.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa carabka ku dhuftay in Farmaajo uusan qaadan talooyin uu u jeediyay saacado kahor khudbadda baarlamaanka oo ahayd in uu dhinaca isaga leexiyo "faanka iyo qayladda".

"In ay mucaaradka ka dambeeyeen? Dabcan waa laga yaabaa Xildhibaanadda dhibsaday madaxweynaha khudbadiisa ama ka sameeyay banaanbaxa ama waxaan ay dhahaan cabashada in ay ka tirsan yihiin xisbiyadda mucaaradka aad bey u dhici kartaa," ayuu u sheegay telefishinka Dalsan.

Hadal-jeedinta Farmaajo ayaa ku dhowaad tobban daqiiqo hakad gashay, waxaana markii xaaladda la dejiyey uu weerar ku qaaday xubnaha carqaladeeyay khudbadiisa oo uu ku sifeeyay "laba mudane oo firimbi watay".

"Waa in uu xanuunka dareemaa"

Intii uu socday wareysiga, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka dhawaajiyey in uu aaminsan yahay in talaabadda mudaneyaasha ay ku kaceen ay ahayd cawaaqib ka dhashay ku tumashada dastuurka ee Farmaajo.

"Laakiin hal midaa jirto Senatorada aniga labaa ii muuqatay oo aan xoogga saarayaa, Xildhibaanadda iigu kaadi. Ayaama kahor iyagoo eelboorka Muqdisho ka dhoofaya ayaa la celiyey; madaxweynahaa celiyey ayaa la yiri iyo nabad-sugidda meyd iyo janaaso ayayna la socdeen, Kismaayo ayay u socdeen. Markaa Xildhibaan ama Senator aad tahay madaxweynihii xaquuqaadka dastuuriga ah uu kaa xanibo maxkamad dastuuri oo u dacwootaana aysan jirin garsoor madax-banaan oo u sheegataana aysan jirin sidda kaliya oo aad uga aargudan kartaa ama talaabada kaliya oo aad uga aargudan kartana ay tahay in aad ku sugto meel aad u wada siman tihiin adiga iyo isaga oo golahaas dhexdiisa ah; aniga talaabo qaldan ilama ahayn runtii way ila sax-saneyd," ayuu yiri.

Siyaasiga oo sii hadlaya ayaa wuxuu raaciyey: "Xanuunka in uu dareemaa la rabaa madaxweynaha markii uu ku tumanayey dastuurka iyo sharciga. Fiiri madaxweynaha dad siyaasiyiin ah ayuu amray in guriyahooda lagu weeraro, madaxweyneyaashii ka horeeyay ayuu garoonka isbaaro u dhigtay, Senatoradan aan sheegayo ayuu naftooda isbaaro u dhigtay iyaddoo waliba Janaaso la socda, muwaadin Soomaaliyeed ayuu intuu garba duubay dowlad ajnabi u dhiibay, gobol dhan oo Soomaaliya ayuu cunaqabateeyay, laba gobol ayuu dagaal iyo qalalaaso ka abaabulay; marka isaga xanuunka ay leedahay in lagaa hor-yimaado oo lagu diido; wuxuu u adkeysan waayey buuq yar, laakiin waxyaabihii uu geystay oo intaas la ekaa xajmigeeda, dad bey ku dhacayeen".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa ku nuux-nuux saday in uu aad ula yaabay "dulqaad la'aanta uu madaxweynaha ka muujiyey oorinta".

"Waa guuldareystay ayay dhaheen; aduunyadda baarlamaanada waa leysku buuqaa kan uguma horeyso, Soomaaliya. Laakiin, hadda markii la ridayey gudoomiye Jawaari wasiiro xukuumadda ka tirsan oo baarlamaanka ka tirsan ayaa baarlamaanka ka dhex-buuqayay oo qaylinayey oo sidaas oo kale firimbiyo u haystay. Aniga taas lama yaabina, laakiin in uu dulqaadan waayey madaxweynaha oo dulqaad muujin waayey; 'waa fashilantay' intuu Senator yiri uu u dulqaadan waayey xanuunkeeda iyo dadka siduu awooda dowladda ugu dhibaateeyo ama ugu abuse gareeyo ama garoon ha dhigto ama ha weeraro ama ha garba duubo yacnii dulqaad la'aantiisa iyo waxa uu ku kacayo ayaa meel iskula geli waysay," ayuu xusay.

Farmaajo oo mudada xileedkiisa ay bilooyin uga harsan tahay ayaa wuxuu wajahayaa eedeymo ay kamid tahay u awood sheegashada siyaasiyiinta iyo maamulada ka aragtida duwan isla markaana u adeegsado ciidamo shisheeye ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM