Siyaasiyiin dhacdadii Bariire ka dhigtay Hub ay kula dagaalaan dowladda

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa maalintii 6aad yaalla Muqdishu Meydadka dadkii ku dhintay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka Bariire ayaa yeeshay waji cusub, oo madaxa la galay qabiil, waxaana Meydadka la geliyay Fariij (Refrigerators), oo dushooda lagu gor-gortamayo, iyadoo dowladduna wali ka aamusan tahay Kiiskan.

Inkastoo Diiniyan ay tahay in la aaso qofka Muslim-ka ah marku dhinto, loona dedejiyo qabrigiisa, haddana waxaa muuqata in Meydadka oo aan la aasin ay culeys saarayso dowladda Federaalka Somalia.

Maxaa loo aasi la'yahay Meydadka?

Meydadkan oo gaaraya 10, ayaa 6 kamid ah waxay u dhasheen Beesha Habargidir, oo Olole xooggan hadda kawado Muqdishu, iyadoo doonaysa inay Magdhaw lacageed ka hesho dowladaha Somalia iyo Mareykanka.

Beesha ayaa ka dalbatey dowladda Federaalka saddex Arrimood, oo kala ah in marka hore ay si cad Warbaahinta uga sheegto inay dishay Dad shacab ah, inay Bixiso Lacag Magdhaw ah, oo ah qofkiiba $100,000 (Boqol Kun oo Doolar) iyo inay Maxkamad soo taagto kuwiii ka dambeeyay weerarka.

Dadkan dhintay ayaa la sheegay inay hubaysnaayeen oo weerarkana uu ku dhacay si kama ah, kadib markii looga shakiyay inay Al shabaab yihiin, maadaama goobta ay ku sugnaayeen maalmo kahor laga saarey Al shabaab.

Gudiga Xaqiiqa-raadinta dowladda

Waxaa maalin kahor tagey Bariire Gudi Heer wasiirro ah, oo dowladda u dirtay halkaasi si ay usoo baaraan Xaqiiqda dhabta ah, iyo qaabka uu ku dhacay weerarka Ciidamada DFS iyo Mareykanka.

Gudiga ayaa wareyso la yeeshay dad kala duwan iyo Taliyaal Ciidan, oo ku sugan Bariire waxaana ay xogta iyo Macluumaadka kula soo laabteen Muqdishu, balse weli Warbixinta looma baahin shacabka.

Mudo 5 maalmood ayaa la siiyay Gudiga inay jawaab rasmi ah uga keenaan dhacdadii Bariire, si dowladda ay go'aan u qaadato, loona soo afjaro Kiiskan sii daba-dheeraanaya, siina adkaanaya.

Siyaasiyiin dhacdadii Bariire ka dhigtay Hub ay kula dagaalaan dowladda

Siyaasiyiin Mucaarad ku ah dowladda, ayaa uu adeegsanaya dhacdadii Bariire hub ay kula dagaalaan maamulka Madaxweyne Farmajo, iyagoo Baraha Bulshada iyo Warbaahinta ka billaabey kicin dadweyne.

Xildhibaan ku jira Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa xitaa kamid ah dadkan, oo Baraha Bulshada soo dhigaya qoraallo ay ku cambaareynayaan dowladda, iyagoo arinta u eegaya qabiil iyo Siyaasad ahaan.

Somalia oo baxday Kumeergaar (KMG) 2012-kii, kana jirta dowladda Federaalka ah, ayaa weli u muuqda in uusan ka bixin habka Beelaysiga, kaasi oo sababay in dagaal Sokeeye uu dalka ka qarxo 1991.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM