Somalia: Dagaal ka dhacay nawaaxiga Leego

Image

LEEGO, Somalia - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Al shabaab iyo ciidamada dowladda Somalia ayaa saaka ka dhacay inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Malleeshiyada Al shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaaday Kolonyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo marayay duleedka deegaanka Leego, sida ay dadka deegaan u sheegeen Warsidaha GO.

Dagaalka ayaa ku billowday qarax miino oo dhulka lagu aasay, waxaana xigay dagaal mudo daqiiqado ah qaatey, kaasi oo sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Al shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dileen dhowr Askari, gaadiidna ay ku gubeen.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha hoose, oo aan xiriiro la sameynay ayaa ka gaabsaday inay fahfaahin ka bixiyaan weerarka gaadmada ah ee ka dhacay Leego.

Al shabaab ayaa xalay madaafiic ku garaacay saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ah ku leeyihiin deegaanka Balli-doogle, oo dhaca duleedka waqooyi ee degmada Wanlaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM