Somalia: Mareykanka oo Duqeyn ku dilay Sarkaal katirsan Shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia - Sarkaal katirsan Militariga Mareykanka, ayaa sheegay in hal dagaalame oo katirsan Al shabaab ay ku dileen Duqeyn dhanka cirka ah, oo shalay oo Khamiis ahayd ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose.

War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa lagu xaqiijiyay Duqeynta, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada xeebta leh ee Baraawe, waxaana lala eegtay Kolonyo Al shabaab.

Howlgalka waxa lagu bartilmaameedsaday Gaadiid ay la socdeen Saraakiil katirsan Al shabaab oo marayay deegaan ku dhaw magaalada Baraawe, waxaana ku dhintey hal dagaalyahano, kaasi oo weli magaciisa la shaacin.

"Howlgalka waxaa laga fuliyay nawaaxiga Baraawe ee dalka Somalia, oo ku dhawaad 270KM Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu," sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

AFRICOM ma aysan xaqiijin in qofka ay dileen uu ahaa Sarkaal sare ama mid darajadiisa hoosayso.

Weerarkan waxa uu noqonayaa midkii labaad oo Todobaadkan gudahiisa Mareykanka uu ka gaysto Somalia, kuwaasi oo 4 katirsanaa Al shabaab lagu qaarijiyay, sida uu sheegay Taliska AFRICOM.

Maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay, duqeyn midan oo kale oo ka dhacday gobolka Baay waxaa ku dhintay 3 xubnood oo kamid ahaa Al shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha ka dhanka ah Al shabaab, kadib markii uu Madaxweyne Trump bishi Maarso ee sanadkan amray in la ballaariyo Howlgalka Military ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM