Somalia oo AU u gudbisay dalab muhiim u ah kobaca dhaqaalaha dalka

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Somalia ayaa ka dalbatay dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika in ay kala shaqeeyaan sidii looga cafin lahaa deymaha xadiga badan ee lagu leeyahay qarankan hadda kasoo kabanaya colaadaha iyo dagaalka sokeeye.

Lacagta lagu leeyahay Somalia ayaa la sheegay in cadadeedka uu gaarayo $4.6 billion [Afar bilyan iyo lix boqol oo milyan oo dollar-ka Mareykanka], taasoo caqabad ku ah isbedel lagu sameeyay dhaqaalaha dalka iyo in lacag cusub lasoo daabaco.

Jamaal Xasan, wasiirka qorsheynta, oo qayb ka ahaa kulan ay mas'uuliyiinta XFS kula yeesheen Addis Ababa beesha caalamka intii uu socday shir madaxeedka AU-da ayaa rajo ka muujiyay in la aqbalo dalabkooda.

"In nagala cafiyo deymaha waxay ka dhigan tahay in aan dib u bilaabi karno qorshaha horumarinta qaranka," ayuu wasiirku ka sheegay shirkaa, oo uu si lamid ah qayb ka ahaa wasiirka arrimaha dibabada.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka caalamiga ah ee DFS, ayaa dhankiisa kaga dhawaajiyay madasha in deymaha oo laga cafiyo dalka ay sahleyso in ay helaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

"Daneeyayaasha Somalia waxaan uga baahan nahay in ay nagala qayb-qaataan dayn cafinta…taasi oo noo sahleysa in aan sanadkaanba xal u helno dadka barakacyaasha ah," ayuu Cawad hadalkiisu ku daray.

Sida laga soo xigtay Tv-ga CGTN, Guddiga midowga Afrika ayaa taageeray dalabka dowlada Somalia, inkasta oo aanan la xaqiijin karin hadii ay tani sahleyso in Bankiga Aduunka iyo hay’ada IMF ay cafiyaan deymaha lagu leeyahay Somalia.

Xukuumada Somalia ee haatan jirta ayaa xusul-duub u gashay tan iyo markii ay timid sidii dalka looga masaamixi lahaa deymaha lagu leeyahay wallow mar kale uu wadanku safka hore ka galay dalalka ugu musuq-maasuqa badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM