Somalia: Sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu diley magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia -- Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Militariga dowladda Somalia ayaa waxaa lagu dilay degmada Dharkenley, ee gobolka Banaadir.

Goobjooge la hadlay GO, ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Korneel Geesey Cali, islamarkaana dilkiisa  uu fuliyay mid kamid ah Ilaadadiisa. 

Askariga dilka geestay, ayaa la sheegay in isla Goobta ay ku qabteen ciidamada dowladda Somalia, kadibna ay ku xireen xabsi ku yaallo degmada Dharkeenley. 

Wali lama oga sababta ka danbeysa dilka sarkaalkaan, mana jiro war kasoo baxay  ciidamada maamulka degamada uu falka ka dhacay. 

Dilalka noocan ah, ayaa kusoo badanaya mudooyinkii danbe magaalada Muqdisho, waxaana mas'uuliyada sheegta kooxda Al Shabaab kuwasoo dhexgal ku sameeya ciidmada amniga.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM