Somalia: Xildhibaan dil ka bad-baaday

Image

MUQDISHU- Xildhibaan katirsan Barlamanka Somalia, ayaa caawa fiidkii ka bad-baaday weerar lagu soo qaaday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hodon ee magalada Muqdishu.

Weerarkan, ayaa loo adeegsaday bambaano gacanta laga soo tuuray, waxaana falkaasi ku dhaawacmay 4 qof oo la sheegay inay dhammaantood katirsanyihiin ilaaladda Xildhibaanka oo lagu magacaabo Aadan Ibrahim Dhaayoow.

Qaraxa bambaanada kadib, waxaa rasaas furay ciidamadii goobta ka sugnaa.

Ilaa hadda lama garanayo haybta kooxda weerarka soo qaaday, balse waxaa la xaqiijiyay inuu Xildhibaan Dhaayoow bad-qabo, dadkii dhawacmayna loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Weerarada caynkan, waxaa inta badan ku caan ah kooxda Shabaab, kuwaasi oo beegsada mas'uuliyiinta iyo hal doorka bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM