Soomaaliya: Ahlu Sunah Waljamaca iyo Galmudug oo Heshiis Qarka u Saaran

Image

JABUUTI- Kulanka uga socda magalaada Jabuuti ee dalka Jabuuti ururka Ahlu Sunah Waljamaca iyo Galmudug ayaa wararka laga helayo waxay sheegayaan in qarka u saaran yihiin iney hehsiis ka gaaraan khilaafkii u dhexeeyey.

Madaxda labada dhinac ee ku shiraya Hotelka Kempinski ee magalada Jabuuti ayaa shirkooda waxaa dhexdhexaadinaya urur goboleedka IGAD iyadoo ay goob joog yhiin wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Iyadoo labada dhinac Hotelkaas kuwada xuseen Mowliidkii Nabiga ayaa goob joogayaal la hadlay Warsidaha GO waxay sheegayaan inuu jiro jawi isu soo dhiwaansho labada dhinac ah.

Qodobada hordhaca ah ee la isla gaarey ayaa waxaa kamid ah in la mideeyo Barlamanada kala fadhiya labada magaalo Cadaado iyo Dhuuso Mareeb. Magaalo madaxda maamulkaas ayaa sidoo kale loo soo rarayaa magalada Dhuuso Mareeb.

Sida warsidaha GO ogaadey heshiiskaan ayaa la filayaa iney wada saxiixaan hogaamiyaha guud ee ururkaan Macalin Maxamud Shiikh Xasan oo dhowaan laga filayo dalka Jabuuti inuu yimaada iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Saxiixa heshiiskaan ayaa sidoo kale la filayaa in munaasabada loo qabanayo kasoo qayb galo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Dalka Jabuuti oo kamid ah ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa waxaa Nabad ilaaliyaal ka joogaan Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM