Soomaaliya: Ciidanka Danab oo lagu eedeeyey wadaad lagu dilay Wanlaweyn

Image

Xiisadda ayaa wali taagan, shalay oo Talaado ahaydna waxaa magaalada ka dhacay dibad baxyo looga soo hor jeedo dilkii habeen hore halkaa loo gaystay sheekh caan ka ahaa Wanlaweyn oo lagu magacaabi jiray Macallin Nuur Cismaan Bilaal.

Xaaji Yuusuf Caddow Buulle oo ah af hayeenka odayaasha dhaqanka ee degmada Wanlaweyn oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay saldhiga Ballidoogle ay weerareen labo guri oo uu macallinka ku lahaa degmada Wanlaweyn.

"Gurigiisa hore way ka waayeen waxayna u geysteen dhac, ka dib ayay u gudbeen gurigiisa kale wayna heleen. Isaga iyo wiilkiisa ayay indhaha ka xireen. Wiilki way iska daayeen laakiin halkaas ayay macallinkii ku dileen" ayuu yiri Xaaji Yuusuf.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Wanlaweyn ayaa intaas ku daray in Macallinka la dilay uu maamule ka ahaa iskuul, isla markaana uu masaajidyada ka akhrin jiray kutub kala duwan oo diini ah.

Wuxuu intaa ku daray in ciidanka markii ay markii ay dilka geysteen ka dib ay warqad ku dhajiyeen darbiga guriga, taasoo ay ku sheegeen iney ninkaas u dileen maadaama uu ka tirsanaa Al Shabaab.

Ciidanka Danab oo qirtay dilka Sheekha

BBC-da ayaa xiriir la sameysay guddoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Siicoow Cabdiraxmaan, isagoo noo sheegay iney "dilka ka dib ka daba tageen ciidankii falkaas geystay oo ku noqday saldhigga Ballidoogle".

Guddoomiyaha oo ka warramayay jawaabta ay kala kulmeen markii ay ka daba tageen wuxuu yiri "waan weydiinnay sababta ay macallinka u dileen, waxayna nagu dhaheen wuxuu ka tirsanaa kooxda Al Shabaab, sidaas ayaana u dilnay".

Maamulka Koofur Galbeed

Wasiirka warfaafinta ee maamulka koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa isla sidaas ugu xaqiijiyey BBC dilka wadaadka.

Ma aha wax la ogolaan karo in qof aan waxba lagu caddayn inta habeennimo loo soo dhaco reerkiisa iyo carruurtiisa lagu hor dilo, haddana warqad la dul saaro oo la yiraahdo annagaa dilnay" ayuu yiri Ugaas Xasan.

Warqadaan ayaa la sheegey iney ka tageen Ciidanka diley Wadaadka

Wuxuu wasiir Ugaas Xasan dalbaday in dawladda federaalkana ay baaritaan samayso, ayagana ka maamul ahaan ay baaritaan sameeyaan. "Wax loo adkaysan karo ma aha, 2018 gudaheeda tiro 8 qof ah ayey dileen" ayuu sii raaciyey.

Dilal soo noq noqday

Guddoomiyaha ayaa sheegay ineysan ahayn markii ugu horreysay oo ciidanka Danab ay dil ka geystaan degmada Wanlaweyn.

Ilaa 8 dil oo noocaan ah ayuu sheegay in degmadaas laga fuliyay tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkaan.

"Mar kasta oo aan u tagno, nooma sheegaan sabab rasmi ah iyo caddeyn ay u hayaan dadka ay dileen. Waa khalad in la iska dilo qof aan maxkamad la soo taagin laguna caddeynin eedeymaha loo heysto. Annagu ma diidanin in la maxkamadeeyo ama la dilo qof dambiile ah haddii lagu xaqiijiyo, laakiin waxaan ka soo hor jeednaa in xilli habeenimo ah qof gurigiisa loogu tago oo carruurtiisa hortooda lagu dilo" ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in arrintan ay ka warqabaan mas'uuliyiinta amniga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Koonfur-galbeed.

"Wasaaradda gaashaandhigga, wasaaradda amniga , guddiga difaaca ee Baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegaankan dhammaantood way ogyihiin waxa ka socda degmada Wanlaweyn, si kasta waan ula hadalnay, waana ka dalbannay iney dhibkan wax ka qabtaan", ayuu yiri guddoomiyaha.

Baaq uu u diray dowladda dhexe

Maxamd siidow Cabdiraxmaan ayaa isagoo baaq u diraya masuuliyiinta dowladda Soomaaliya yiri "haddaan ahay guddoomiyiha degmada Wanlaweyn waxaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Koonfur galbeed u sheegayaa iney jiraan dhibaatooyin ay ciidanka Danab ku hayaan degmadan, waxaana ka codsanayaa in ay tallaabo u qaadaan sidii dhibkaas xal loogu heli lahaa. Waxaan rabnaa in qofkii lagu tuhmo inuu Al Shabaab yahay ama dambi galay la xiro, baaritaan lagu sameeyo, haddii lagu helo dambigaasna la xukumo".

Dadkii dilalka noocan ah loo geystay

Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee degmada Wanlaweyn Xaaji Yuusuf Buullow ayaa BBC-da u sheegay in ay hayaan liiska ilaa 5 ruux oo dilal loogu geystay degmadaas dhowrkii bilood ee la soo dhaafay gudahood.

Tirada ayaa markii lagu daro dilka Sheekha ugu dambeeyay noqoneysa 6 qof, kuwaasoo sida uu sheegay dhammaantood ay dileen ciidanka Danab .

Shanta ruux ee kale ayuu sheegay iney kala ahaayeen:-

  • Shukri Maxamed oo la dilay 14-kii bishii Luulyo
  • Nuur Xaaji Guhaad oo la dilay 30-kii bishii Luulyo
  • Caddow Buulle Maxamed oo la dilay 25-kii bishii Agoosto.
  • Maxamed Aadan oo la dilay 30-kii bishii Agoosto.
  • Mustaf Xaaka oo la dilay 1-dii bishan Oktoobar.

Dhammaan dadkan ayuu sheegay in guryahooda la jabsaday, dhacna loo geystay.

Ilaa hadda waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya ama dawladda federaalka oo ay arrintaan uga hadlayaan.

BBC

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM