Soomaaliya: Gorod oo sheegey in Imaaraadka horey lacag u keeni jirey dalka [Dhageyso]

Image

MUQDISHO- Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegey inuu qorey waraaq uu ku fasaxayo in la keeno magaalada Muqdisho lacag dowlada Imaaraadka Carabta lagaga qabtey garoonka diyaardaha Aadan Cabdulle Cismaan .

Taliyaha ayaa sheegey in warqadda uu qorey aysan ku qoreyn cadad lacageed balse horey dowlada Imaaraadka ugu keeni jirtey ciidamada (Magaalada Muqdisho) isagoo xusey in saraakiishii isaga ka horeysay ay qori jireen codsi ay ku fasaxayaan imaanshaha lacagahaan. Gorod ayaa wareysigaan ku xusey in warqada lacagtaan uu ku fasaxay uu qorey subaxii diyaaradu imaaneysay magaalada Muqdisho.

" Hadda ka hor bay imaan jireen waxaan anigu bilaabey ma aha, annigu caddadka ma aqaan balse way imaan jireen lacagahaan" ayuu yiri taliye Gorod isagoo u waramaya wariye Haruun Macruuf.

Gorod ayaa dhinaca kale sheegey inuusan aqoon sababta loo baarey lacagtaan iyo sababta ay u diideen in la baaro saraakiisha dowlada Imaaraadka.

"I don't know hadaan markii hore la baari jirin hadda waxaa loo baarey ma aqaan, hadii markii hore sheegi jireen oo baari jireen, haddda waxay u diideen ma aqaan, waxaas waxay u baahan tahay in la baaro oo dib loo raaco."ayuu yiri taliye Gorod oo la hadlaya VOA.

Jeneraal Gorod ayaa meesha ka saarey in aan loo baahneyn in fasaxida lacagtaan lala socodsiiyo maddaxda sare madaama horey u imaan jirtey wadanka. Gorod ayaa sidoo kale ka gaabsadey inuu taageero go'aanka dowlada ku qabsatey lacagtaan balse sheegey inuusan waxba ka qabin in la baaro.

Dhinaca kale taliyaha ayaa wareysigaan ku sheegey ineysan isaga u oleyn go'aanka la sheegey in dowlada Soomaaliya ku joojineyso tageerada dhaqaale ay Imaraadku siiyaan ciidamadaan balse ay khuseyso iney isaga amar ka qaataan fuliyaana awaamiirta loo diro."> Halkaan ka dhageyso

Wasiirka Gashaandhiga oo ka hadlay ciidamo loo tababaro

Wasiirka Gashaandhiga wareysi uu siiyey saxaafada gudaha ayaa si guud uga hadlay baahida ay u qabto dowlada Soomaaliya in ciidamadeeda siiso mushaharaadka isagoo xusey in ciidamada Imaaraadka u tababarayaan si buuxda ula wareegi doonaan bisha April 12,2018.

Wareysiga Wasiirka ayaan si buuxda ugu sheegin in dowladda Soomaaliya go'aansatey in lacagta ciidamadaan ay siiyo Imaaraadka joojinayaan balse sheegey iney ku mahadsan yihiin taageerada ay u fidiyeen dalka Soomaaliya.

Wareysiga taliyaha ciidamada iyo Wasiirka Gashaandhiga kaga hadlayaan arimahaan ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafka dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Imaraadka gaarey heerkii ugu hooseeyey. 

Warbaahinta caalamka oo ugu horeyso Al-jazeera ayaa aad u buunbuunisay khilaafka dowlada Federaalka iyo imaraadka iyada oo wararkeedii ugu dambeeyey ku sheegtey in Soomaaliya gabi ahaanba joojisay barnaamijkii dowlada Imaaraadka ku taageeri jirtey ciidamdeeda. Al-jazeera ayaa waxaa iska leh wadanka Qadar oo khilaaf siyaasdeed kala dhexeeyo dowlada Imaraadka Carabta. Halkaan ka akhri

Warsidaha Garowe Online oo isku dayey inuu wax ka ogaado in go'aankaan uu yahay mid rasmiya ayaa saraakiil ku dhow Villa Somalia waxay u xaqiijiyeen in uusan jirin gabi ahaanba iyadoo saxaafada caalamka qaarkood fasiraado khaldan ka bixiyeen wareysiyo wasiirka Gashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada kaga hadlayeen tababarka ciidamadaan iyo mushaharaadkooda.

Dalka Soomaaliya ayaa inta baddan ciidamadiisa qalbka sida waxay tageero dhaaqaale ka helaan dalalka daneeya arimahiisa gudaha kuwasoo ugu horeeyaan wadamadda Mareykanka, Midowga Yurub, Turkiga iyo Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM