Soomaaliya: Hogaamiye Shabaab oo isku dhiibay dowladda

Image

BAARDHEERE - Hogaamiye sare oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladda Saraakiisha Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo maalintii shalay oo Jimco ahayd [16-kii February].

Isxaaq Xuseen Mursal oo ah gudoomiyaha gobolka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Cabdinuur Maclin Xasan, oo kasoo goostay Al-Shabaab uu isku dhiibay Ciidamada dowladda ee degmada Baardheere.

"Cabdinuur waxa uu isku soo dhiibay Saraakiisha maamulka degmada Baardheere, isagoo wata AK-47 iyo 6 bastoolad," ayuu yiri Isxaaq.

Isxaaq ayaa intaasi ku daray in dowladda ay diyaar u tahay inay soo dhawayso xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, waxayna horey ugu fidisay cafis sanadkii tagey cid kasta oo kasoo baxda Kooxda.

Isa soo dhiibida Sarkaalkan ayaa kusoo beegmaysa xilli howlgal military oo ballaaran ay Ciidamad dowladda iyo AMISOM ay kawadaan gobollada qaar ee dalka, iyagoo isku dayaya inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay ku harsan yihiin.

Khamiistii lasoo dhaafay [15-kii Febuary] waxaa magaalada Beled-Xaawo isla gobolka Gedo iska dhiibay Shuris Aadan Dhinbil, oo kasoo goostay deegaanka Kabis, oo 20KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Garbahaarey.

 Shuris Aadan Dhinbil oo isku dhiibay ciidanka DFS ee Beled-Xaawo

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu talada dalka la wareegay sanadkii tagey ku dhawaaqay xaalad dagaal isagoo shaaciyay guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo khatar xooggan ku ah amniga qaranka.

Hogaanka Hay'adaha amniga dalka, sida Booliska iyo Sirdoonka ayaa shaqadii laga eryay sanadkii tagey, iyadoo xilalkaasina mudo afar bilood ah ay banaan yihiin, oo aan la magacaabin, sababo aan wali la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Villa Somalia Oo Banaanka Yimid: Mahad Salaad Oo Ka Horyimid Qorshaha Xasan Sheekh

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Hay’adda Nabad..

  • Soomaliya

    27-05-2026

  • 10:32AM

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM