Soomaaliya iyo Ethiopia oo iska-kaashanaya dagaalka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku heshiyay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisida khatarta ku haya amniga dalalkooda iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa.

Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia oo shalay booqasho aan horey loo shaacin ku yimid Muqdisho, ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo isku raacay in nabada iyo xasiloonida ay muhiim u tahay horumarka gobolka.

Waxay isku raaceen in labada dowladood ay si wadajir ah ula dagaalamaan argagaxisada oo ay kamid yahay amniga xuduudaha, oo hadda ka taagan caqabad xooggan oo amni-darro ah, kadib markii Al-Shabaab ka fulisay weeraro.

Abiy Axmed ayaa bogaadiyay horumarada ay dowladda Federaalka ka sameysay dhinac amniga, isagoo intaasi ku daray in Soomaaliya hadda ay cagta saartey wadadii nabada iyo horumarka.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad-celiyay doorka Ciidamada Ethiopia ee xasilinta Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay kaalintooda mid laf-dhabar u ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Labada hogaamiye ayaa ugu baaqay dalalka gobolka iyo si quman uga qeyb-qaataan nabadeynta Soomaaliya iyo dedaallada dowlad-dhisida dalkan ay dagaallada halakeeyeen 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Booqashada Abiy ee Muqdisho ayaa xambaarsanayd dhinacyo badan, waxaana ugu weynaa arinta maalgashiga afar dekedood oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaasi oo magacyadooda aan lagu sheegin heshiiska labada hogaamiye gaareen.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa la sheegaqy inuu u yimid Muqdisho qorsho uu ku sharciyeynayo heshiiska DP World iyo Somaliland ee Dekedda Berbera, kaasi oo dowladdiisu qeyb ka tahay islamarkaana ku leh 19% faa'idada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel-mariyay bishii May ee sanadkan qaraar lagu laalay Heshiiska saddex Geesoodka ee ay wada galeen Somaliland, DP World iyo Ethiopia ee ku saabsan wadagaga dhaqaalaha Dekedda Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM