Soomaaliya: Maryan Qaasim oo la wareegtey howlaha gurmadka ee ka socda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirada Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maryam Qaasim Axmad ayaa sida Warsidaha Garowe Online ogaadey maanta khasab kula wareegtey howihii gurmadka ee ka socotey magalaada Muqdisho.

Maryam Qaasim ayaa shaqalaheeda Wasaarada waxay keentey xafiiska Gurmad252 halkaas oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro isxilqaantey iyo xubno ka tirsan guddiga Gurmad Qaran oo uu dhowaan magacaabey Ra’isal wasaare Khayre.

Wasiir Maryan Qaasim ayaa Wasiirka amniga Dowlada Federaalka oo madax ka ah guddi Ra'isal wasaare Khayre magacaabey u sheegtey in howshiisa aysan aheyn midda loo xilsaarey balse looga baahan yahay inuu ku mashquulo sidii loo ogaan lahaa dadkii ka dambeeyey qaraxa dadka badan waxyeeladu kasoo gaartey.

Ra’isal wasaaraha Dowlada Federaalka ah Xasan Cali Khayre oo dhowaan soo saarey liisas kala duwan kuwasoo qayb ka ah howlaha gurmadka ayaa ka reebey Wasiirda lagu yaqaan in fikirkoodu madax banaan yahay kuwasoo ay kamid yihiin Wasiirka arimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo Wasiirada Wasaarada Maareynta Masiibooyinka iyo Gargaarka Maryan Qaasim Axmad.

Wararka ayaa sheegaya in kulan dhexmarey Wasiirada Maareynta Masiibooyinka iyo wasiirka Kowaad ku soo dhamaadey in labada mas'uul iyagoo wada socda tagaan xarunta Gurmadka252 halkaasoo ka socdeen howlaha gargaarka dadka dhibaatada kasoo gaartey qaraxaan kuna wareejiyey howshii howlwadeenada Wasaarada ayna hogaamineyso Maryam Qaasim.

Khayre ayaa u mahad celiyey dhalinyaradii is-xilqaantey ee howsha wadey iyo howlwadeenadii kale duwanaa ee ku sugnaa xarunta isagoo sheegey in dowlada la'aantooda waxba sameyn karin.

Howlaha Gurmadka oo kaalin weyn ka qaateen shacabka Soomalida meel kasta ay joogaan gaar ahaan dadka dhalinyarada ah ayaa waxaa hareeyey jahawareerka ka taagan kala jiheynta shaqada howl-wadeenada dowlada iyadoo uu jiraan jilaafooyin siyaasadeed kuwasoo dhex socda gargaarka loo fidinayo dadkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM