Soomaaliya oo ruqsado shidaal soo-saarid ku bixinaysa shuruudo cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxay aad ugu sii dhowaaneysa in ay soo afjarto dhibaato waddanka muddo sanado ah ka haysatay qeybta Shidaalka.

Inkasta oo maamulada qaar ay qaadaceen, heshiiska wadaagista kheyraadka oo xiriir la leh sharciga bartoolka ayaa la meel-mariyey bishii hore, talaabo dib loogu bilaabayo horumarinta qeybta shidaalka oo tan iyo dagaalkii sokeeye hakad ku jiray.

Shirkado ay kamid yihiin Royal Dutch Shell Plc iyo Exxon Mobil Corp ayaa saami ku leh xirmooyin kuwaasi oo aanan la howlgelin tan iyo markii uu qarxay dagaalkii galaaftay nolosha dad badan ee sanadkii 1991-dii.

Shuruudo cusub

Shuruudo cusub lasoo rogay, dowlada ayaa yeelaneysa 55% oo kamid ah Saliida lasoo saarayo mustaqbalka, xili maamulada ay qaadan doonan inta kale ee soo hartay, sida ku cad war wasaarada kasoo baxay Jimcada maanta ah.

Saliida laga soo saaro dhulka, dowlada federaalka ayaa qaadan doonto dakhli dhan 30% xili maamulada iyo dadka degaanka, oo iyaga go’aansanaya qaabka ay u qarash-gareynayaan, ay inta soo hartay ay yeelan doonan.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaarada ayaa shaacisay in ay ka shaqeyneyso soo bandhigista shuruudaha ganacsiga ee ay kula macaamileyso shirkadaha ka howlgalaya xirmooyinka shidaalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee shirkadaha ay ku helayeen ruqsadaha ayaa bishii Febraayo furmay, kaasi oo lagu soo bandhigay 15-xirmo.

Dowlada oo sheegtay in ay beegsaneyso in ay dalab u hesho xirmooyinka kuwaasi oo badkooda uu gaarayo 72 kilometer isku wareeg ah ayaa rajeyneysa in ay bixiso ruqsadahooda bisha Janaayo 2020.

Afhayeen u hadlay shirkadda reer Holland ee Shell, oo uu soo xigtay warbaahinta Bloomberg ee arrimaha ganacsiga ka faaloota, ayaa daboolka ka qaadey in aysan qeyb ka noqon doonin bandhigaasi.

Midkoodna xirmooyinka ay dalabka u raadineyso Soomaaliya kuma jiraan kuwa ay isku haystaan Kenya, kuwaasi oo Qaramada Midoobay aysan wali go’aamin cida iska leh, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Caqabadaha

Inkasta oo ay dowladda isku dayeyso in ay suuq geyso keyd dhan 30 milyan oo fuusto, haddana waxaa aad u adag in laga iibiyo daneeyayaasha caalamiga ah, sababtoo ah baqdin laga qabo burcad badeeda.

"Iyadda oo dagaalka uu joojiyey in dhulka Saliid laga soo saaro, biyaha Soomaaliya waxaa dhibaateeyay Shufta-badeeda," sidaasi waxaa Bloomberg u sheegay Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka Bartoolka Soomaaliya.

Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray: "Soo saarista shidaalka ee dhanka badda waxa uu haatan ka ammaan badan yahay midka dhulka. Shirkadahana halkaasi ayaan kula heshiinay".

"Dhowaanahan lama soo warin weeraro ay burcad badeedu geysatay, taasi waxay ka dhigan tahay in ay isa soo tarayaan shirkadaha halkaasi xiiseynaya," ayuu hadalkiisu daba dhigay wasiirka.

Iyadda oo ay jirto sheegashadan, wasaaraddu wali ma aysan soo saarin shuruudaha ganacsiga ee ku wajahan shidaalka. "Annaga oo kaashaneyna Bangiga Horumarinta Afrika, hada ayaan ku howlanahay," ayuu ku daray.

21-ka bishan June 2019 ayay ahayd markii dowlada ay kula heshiisay shirkada Shel in ay dib uga howlgasho Soomaaliya, iyada oo bixineysa lacagaha laga doonayo ee ku aadan qandaraasyadii la siiyey 1990-kii.

Wasiir Axmed ayaa xaqiijiyey in shirkadan aysan wax howlo shidaal soo saaris ah aysan ka fulin Soomaaliya tan iyo waqtigaasi, sidda ay baahisay wakaalada wararka u faafisa dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM