Somalia oo raadineysa inay dib u hantido doorkeeda Midowga Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Addis Ababa lagu soo gabagabeeyay maalin kahor shirkii 11aad ee Midowga Afrika, kaasi oo uu Soomaaliya ku metalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Shirka madaxeedka oo socday labo cisho waxaa diirada lagu saarey qodobada ku tacaluqa amniga, siyaasada, arrimaha bulshadda, miisaaniyada sanada soo socota iyo dib uhabayn lagu sameynayo qaybaha kala duwan ee Ururka.

Khadar oo marka uu soo gabagaboobay shirka u waramay warbaahinta wuxuu cod dheer ku qeexay in qodobada kale ee shirka lagu soo qaaday ay kamid tahay isbedalka cilimilada iyo sidii ururka unoqon lahaa “mid isku-filan”.

“Waxyaabaha lagala hadlay shirka waxaa kamid ahaa; sidii uu Ururka u noqon lahaa mid ku filan arrimaha quseeya, haday noqon lahayd, dib u habeynta dhaqaalaha, amniga, arrimaha Bulshada, degaanka, isbedalka cimilada, ganacsiga [inay Afrika wada ganacsato], iyo sidii dalalka xubnaha ka ah Ururka u gudan lahaayeen wajibaadka saaran,” ayuu yiri Khadar.

- Kaalinta Soomaaliya –

Soomaaliya waxay mudooyinkii dambe ku lahad galaan-gal badan siyaasada arrimaha dibadda ee dalalka Geeska Afrika, inkasta oo dadka wax naqdiya ay ku dhaleecaynayaan maamulka Madaxwayne Farmaajo.

Khadar oo soo hadal-qaaday qodobkaasi wuxuu sheegay in doorka Soomaaliya uu yahay mid “horumuud ah” xili uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay uleedahay Soomaalida inay dib hantaan doorkooda Ururka.

“Waxaan aad uga hadalnay in doorka Soomaaliya ay ku leedahay qaab dhismeedka Ururka iyo muhiimada ay leedahay Shacabka Soomaaliya [inay dib u hantaan], iyadda oo dowladda Soomaliya ay tahay inay gudato waajibaadka saaran,” ayuu hadalkiisa udhigay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa shaaciyay inuu la kulmay madax kala duwan mudadii uu shirku socday, oo uu ku jiro Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaasi oo ay arrimo dhowr ah isla soo qaadeen.

Shirka 11aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xili ay Qaaradda wajaheyso caqabado kala duwan, oo ku saabsan dhinacyadda amniga, dhaqaalaha, musuq-maasuqa iyo saboolnimo aad u sareysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM