Soomaaliya: Sababaha kulanka Muqdisho ka socda dib ugu dhacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulanka magaalada Muqdisho uga socda madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo galey maalintiisa 7aad ayaa waxaa warar kala duwan kasoo baxayaan sababta dib u dhaca u keentey, iney kasoo baxi waayaan go'aamo xal looga gaarayo khilaafkii u dhexeeyey dhinacayada isku hayey bilihii u dambeeyey siyaasada dalka.

Guddiyo loo xilsaarey iney qodobada laga dhigey ajendaha shirka go'aamo kasoo gaaraan ayaan weli waxaysan ka gaarin heshiis rasmiya iyadoo wararku sheegayaan in muran aan sidaas u xoog badneyn ka jiro magaca loogu yeeri doono qoraalka ugu dambeeya ee kasoo baxi doona wadahadalkaan.

Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa aaminsan in qoraalka ugu dambeeya ee kasoo baxi doona shirkaan loo bixiyo Warmurtiyeed halka guddiyada farsamada maamul goboleedyada iyo madaxdooda ku qabaan in loogu yeero Heshiis.

Kulamadii u dhexeeyey guddiyada farsamada ayaa qabsoomin maalinimadii Khamiista iyo Jimacaha halka uu bar-bar socdey kulan looga hadlayo amniga dalka kaasoo Madaxda dowlada Federaalka iyo maamulada Soomaaliya ku ansaxiyeen qorshaha difaaca qaranka kaasoo Wasaarada Gashaandhiga soo bandhigtey.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dabada ka riixeysa in kulanka intiisa badan uu muuhimad siiyo arimaha amniga iyo sidii loo heli qorshe guud ee lagula dagaalamo ururka Al-Shabaab.

Qodobada heshiiska laga gaarey

Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada oo kulamo hoose uga socdeen 7dii maalmood ee lasoo dhaafey Muqdisho ayaa wararka sheegayaan iney heshiis ka gaareen qodobadii la isku hayey kuwoodii ugu muhiimsanaa taasoo aysan si guud uga warqabin guddiyada farsamada labada dhinac.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in madaxda Soomaaliya heshiis ka gaareen qodobka la xiriira khilaafka Khaliijka balse aan lagu qori doonin Warmurtiyeed/Heshiis-ka ugu dambeeya ee kasoo bixi doona shirkaan iyadoo lagu koobi doono is-afagradka kaliya.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'isal wasaare Khayre mid-mid uga codsadeen madaxda maamulada in xiisada siyaasdeed ee taagan dajiyaan halka dhinacooda balanqaadeen iney joojin doonaan faragalinta arimaha gudaha ee maamulada.

Qodobkaan dambe ayaa waxaa dalab xoogan ka muujiyey madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed kuwasoo xiisado siyaasdeed ka taagan yihiin degaanadooda.

Dhinaca kale warar laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro qorshe Madaxda sare ee Villa Soomaaliya ku damacsan tahay in maamul goboleedyada siyaan qayb kamid ah lacago loogu deeqey dowlada Federaalka ah.

Madaxda mamul goboleedyada oo qoraal kulul Kismaayo kasoo saarey Oct,2017

Madaxda maamulada oo kulmo la qaatey qaar ka tirsan xildhibaanada labada Barlaman ee Soomaaliya ayaa warar laga helayo xusayaan iney ku qanacsan yihiin heerka uu marayo wadahadalku iyagoo sheegey in heshiis laga gaarey qodobo muhiim ah.

Ma aha markii ugu horeysay ay madaxda Soomaalida khilaafyo nooocaan oo kale ah dhexmaraan ay heshiisyo hoose oo aan bulshada loo sheegin ka gaaraan.

Madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya qaarkood ayaa horey u diidey nidaamkii 4.5 kuwasoo markii dambe heshiis hoosaad-yo la gaarey madaxda dowlada Federaalka ah Soomaaliya.

©2017: Xuquuqda xogtan Waxaa iska leh www.garoweonline.com. Hadaad rabto inaad daabcdo ama xigato fadlan nagala soo xiriir office@garoweonline.com

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM