Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay Weerar ka dhacay Balcad

Image

BALCAD, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Kooxda Al Shabaab maanta ku qaadey degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo sababay Khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howlgala gobolka ayaa sheegay in la iska caabiyay Al Shabaab-kii soo weeraray degmada, islamarkaana ay la kulmeen dharbaaxo xooggan.

Dadka ku nool Balcad qaarkood oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in xaaladda ay mar kaliya is bedeshay maanta duhurkii kadib markii dhowr Jiho Al Shabaab weerar uga soo qaaday degmada.

Inta uusan billaaban weerarka, Al Shabaab ayaa magaalada ku tuurtey dhowr hoobiye kuwaasi oo lagu soo waramayo inaysan geysan wax khasaaro ah, waxaana duqeynta daba socday dagaal toos ah oo ka dhacay banaanka degmada.

Al Shabaab iyo Dowladda, gaar ahaan Wasaaradda difaaca wali wax war ah kama aysan soo saarin weerarkii maanta ka dhacay Balcad, kaasi oo noqonaya midkii labaad mudo labo maalmood gudahooda ay Kooxan xiriirka la leh Al Qaacida kusoo qaado degmada, oo 30Km uga beegan dhanka waqooyi magaalada Muqdisho.

Maalintii Jimcihii lasoo dhaafay, Al Shabaab ayaa mudo kooban la wareegtay gacan ku heynta Balcad, iyadoo sidoo kale duleedka waqooyi ee magaalada ku weerartay Kolonyo AMISOM oo waday sahay ciidan.

Weerarka lagu qaaday AMISOM baabuurtooda waxaa ku dhimatay 5 Askari oo kasoo jeedaa dalka Burundi, kuwaasi oo geeridooda uu xaqiijiyay Madxweyne ku xigeenka wadankaasi oo la hadlay Warbaahinta.

Al Shabaab ayaa tan iyo markii la magacaabay Taliye-yaasha Booliska iyo Nabad Sugida kordhisay weerarada ay ku qaaadayso goobaha ay dowladda maamusho, iyadoo Muqdisho ka fulisay dhawaan labo qarax oo 45 qof ay ku geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM