Soomaaliya: Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo nolasha lagu qabtey

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in tiro dagaalamayaal ah oo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab lagu qabtey degaan duleedka kaga beegan magaalada Buur-hakaba ee gobolka Baay, Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka ayaa u sheegay warbaahinta in xubnaha lasoo qabtey oo tiradoodu gaareyso afar ay wateen Hubka fudud sida AK 47 iyo agabyo kale.

Afarta ruux oo dhamaantooda Rag ah ayuu sheegay maamulka inay gudbin doonan xarunta dhaqan-celinta shaqsiyaadka Shabaabnimada loosoo qabtey, taasi oo ku taala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Saraakiisha u hadashay Milatariga Soomaaliya ma aysan sheegin hadii Shabaab ay soo qabteen kala kulmeen iska caabin maadaama ay hubeysnaayeen, ama inay iyaga isa soo dhiibeen, sida horey udhacdey tiro dhowr jeer ah.

"Kadib howlgal aan ka fuliney tuulo duleedka kaga taalo Buur-hakaba waxaa noo suurogshay inaan gacanta kusoo dhigno afar kamid ah kuwa cadowga ah," ayuu yiri sarkaal u hadley ciidamadda.

Ma jirto war rasmi ah oo ay kooxda gacan-saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab kasoo saartey sheegashadda saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku aadan inay gacanta ku dhigeen xubno Shabaab ah.

Xarunta dhaqan-celinta Ragga kasoo goosta Al-Shabaab ee ku taala magaalada Baydhabo halkaasi oo ay ku jiraan tiro dhalinyaro ah ayaa waxaa xubnaha kasoo qalin-jabi la siiyaan Lacago, inkasta oo qaarkood dib ugu laabtaan kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM