Tirada geerida qaraxii Kismaayo iyo jinsidayaha ajaaniibta lagu dilay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo xusay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka.

Kenyan 3 qof.
Soomaali-Canadian 1 qof.
Soomaali-British 1 qof.
Soomaali-American 2 qof.
Tanzanian 3 qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka Shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada Xildhibaan hore, ahaana musharax madaxtinimada Jubbaland, Shuuriye iyo wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac Fariid iyo marwadiisa Hodan Naleeye.

"Waxaan ALLE uga baryayaa dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna waxaan u rajeynayaa caafimaad taam ah," ayaa laga soo xigta.

Isaga oo sii hadlaya ayuu tilmaamay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen, labadana la toogtey.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii kordhin.

Ciidamada ammaanka ayuu ku bogaadiyey dadaalkii ay kusoo badbaadiyeen dad kale oo ku jiray hotelka iyo sida ay wakhti kooban ugu soo afjareen kooxda weerarka soo qaaday.

Waxaa uu intaas ku daray in nabad-gelyada amaanka gacan bir ah lagu qaban doono isagoo faray Hay'adaha amniga in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan.

"Waxaan u mahad-celinayaa dhamaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka dadka wax ku noqdey weerarka argagixiso," ayuu hadalkiisa daba dhigay madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, wuxuu balanqaadey in fahfaahino dheeraad ah oo kasoo kordha weerarka uu maamulkiisa warbaahinta ula soo wadaagi doono xiliga ay laamaha amaanka soo saaran.

Duulaanka lagu beegsaday huteelka Cascasey oo ay inta badan degaan mas'uuliyiinta ayaa imaanaya xili bisha Agoosto ay degaanada Jubbaland ka qabsoomeyso doorashadda baarlamaanka iyo madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM