Tirada geerida qaraxii Kismaayo iyo jinsidayaha ajaaniibta lagu dilay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo xusay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka.

Kenyan 3 qof.
Soomaali-Canadian 1 qof.
Soomaali-British 1 qof.
Soomaali-American 2 qof.
Tanzanian 3 qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka Shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada Xildhibaan hore, ahaana musharax madaxtinimada Jubbaland, Shuuriye iyo wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac Fariid iyo marwadiisa Hodan Naleeye.

"Waxaan ALLE uga baryayaa dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna waxaan u rajeynayaa caafimaad taam ah," ayaa laga soo xigta.

Isaga oo sii hadlaya ayuu tilmaamay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen, labadana la toogtey.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii kordhin.

Ciidamada ammaanka ayuu ku bogaadiyey dadaalkii ay kusoo badbaadiyeen dad kale oo ku jiray hotelka iyo sida ay wakhti kooban ugu soo afjareen kooxda weerarka soo qaaday.

Waxaa uu intaas ku daray in nabad-gelyada amaanka gacan bir ah lagu qaban doono isagoo faray Hay'adaha amniga in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan.

"Waxaan u mahad-celinayaa dhamaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka dadka wax ku noqdey weerarka argagixiso," ayuu hadalkiisa daba dhigay madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, wuxuu balanqaadey in fahfaahino dheeraad ah oo kasoo kordha weerarka uu maamulkiisa warbaahinta ula soo wadaagi doono xiliga ay laamaha amaanka soo saaran.

Duulaanka lagu beegsaday huteelka Cascasey oo ay inta badan degaan mas'uuliyiinta ayaa imaanaya xili bisha Agoosto ay degaanada Jubbaland ka qabsoomeyso doorashadda baarlamaanka iyo madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM