Tirada dhimashada Jaamacadda Gaarisa oo gaartey 147

Image

GAARISA, April 2,2015 (GO)- War kasoo baxey Wasaaradaa Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagu sheegay in tirada dhimshada weerarkii Al-shabaab saaka aroortii kusoo qaaddey Jaamacadda Gaarisa gaartey 147 qof.

Wararka ugu dambeeyey oo ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Kenya dileen afar kamid ah kooxdii weerarka soo qaaddey kuwaasoo gudaha Jaamacada ku haysta dad aan tiradooda la cayimin.

Shan boqol iyo Sodon qof oo isugu jirta ardeyda Jamaacada iyo macallimiintooda ayaan ilaa hadda la hayn halka ay ku dambeeyeen iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in kooxdan haystaan.

Ma jiraan wax wadahadal ah ee u dhexeeya kooxdaan iyo ciidamada dalka Kenya iyadoo goob joogayaal sheegayaan in howlgal millatari ka socdo qaybo ka tirsan dhismaha Jaamacada.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa kordhisay lacagta ay duldhigtay Maxamad Kuno Gacmadhere,  waxay ka dhigtay 215,000 oo doollar. 

Weerarrada kooxda Al-Shabaab ka gaysato dalka Kenya ayaa la rumeysan yahay iney hoggaaminayaan labadaan oo nin kuwaasoo magacyadooda la yiraahdo Gacmadheere iyo Cali Imaan.

Madaxweynaha dalka Kenya oo maanta goor sii horreysay la hadley shacabka ayaa sheegey in dowladdiisa qaadeyso talaabo kasta ee lagu sugayo amniga dadweynaha.

Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro horey ugu gaystaey gudaha dalka Kenya kuwaasoo dad badan ku dhinteen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM