Tiradda dadka lagu dilay Soomaaliya 2016-2017 iyo magaalada ugu badan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska QM u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ayaa soo saarey warbixin sanadle ah oo uu uga hadlay tirada dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay, laguna dhaawacay sanadkan 2017 iyo kii ka horeeyay 2016-ka gudaha dalka Soomaaliya.

Warbixinta oo maanta [10-ka December] kasoo baxday UNSOM islamarkaana nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online, ayaa lagu sheegay in dad gaaraya 2078 qof suyaabo kala duwan loogu dilay Soomaaliya lagasoo billaabo  1 January 2016 ilaa 14 October 2017.

Goobaha lagu kala dilay dadkan:

Somaliland: 208 Qof.

Puntland: 413 Qof.

Galmudug: 261 Qof.

HirShabeelle: 269 Qof.

Koofur Galbeed: 735 Qof.

Jubbaland: 434 Qof.

Banaadir: 2,265 Qof.

Gacanta ay ku baxeen dadkan:

Dil                                                                  Dhaawac
Al Shabaab: 1,233                                             1,495
Malleeshiyaad: 251                                               343
Ciidamada maamul goboleedyada: 234                   288
Kooxaha aan la garanaynin: 195                            233
AMISOM: 95                                                             86

Dadkan waxay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaraxyo, dilal qorsheysan, Duqeymo cirka ah iyo Shilal baabuur oo AMISOM intooda badan gaysatay, waxaana wadarta guud ay gaaraysaa 4,585.

Dhimashada: 2,078, Dhaawaca: 2,507, Afduubka: 729, Xariga: 5,821.

Muqdisho ayaa ah meesha ugu badan ee shacabkan lagu dilay. Qaraxii Zoobe ee dhacay 14-kii October oo kaliya waxaa ku geeriyooday 512 qof, iyadoo boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Warbixinta QM ayaa lagu soo beegay iyadoo maanta caalamka laga xusayo 10-ka December, oo loo asteeyay maalinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana Soomaaliya safka hore ay ka gashay dilalka xad-gudubyada ugu badan ka dhacaan dunida.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM