Turkiga oo ka hadlay ismiidaamintii khasaaraha dhalisay ee Afgooye

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa xaqiijiyay in muwaadiniin ay kaga dhaawacmeen weerar is-miidaamin oo maanta ka dhacay aaga bood-boodka ee ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Shaqsiyaadka la beegsaday ayaa kamid ahaa shaqaalaha iyo Injineerada dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 15 qof oo isugu jira askar iyo howlwadeeno ay wax ku noqdeen qaraxaas aadka u xooganaa.

Idaacadda VOA-da oo tiradda dhaawacyadda gaarsiisay 20 ruux ayaa baahisay in saddex kale ay ku naf-waayeen weerarkaas.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Ankara oo shaacisay in lix Turki ah ay waxyeelo kasoo gaartay falkaas ayaa hoosta ka xariiqday in laba kamid ah ay xaaladoodu tahay mid aad u daran.

"Bukaanada ayaa la dhigay Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho si loogu daaweeyo," ayay wasaasaradu ku tiri bayaan.

Dhanka kale, Mehmet Yılmaz, danjiraha Turkiga ee Muqdisho, ayaa sheegay in weerarkan uusan saameyn doonan taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo dedaaladooda baacsiga argagixisada.

Dhinaceeda, wasaaradda gaashaandhiga Turkiga, oo cambaareysay dhacdadaas ayaa ku adkeystay "looma dhutin doono, waan sii wadaynaa garab istaaga dadka iyo dowladda Soomaaliya".

Turkiga oo ka howlgalaya Soomaaliya tan iyo 2011-kii kadib macluushii dilaacday ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in mudadaas uu waddanka ku maalgeliyey aduun dhan hal bilyan oo Doolar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM