UN: 50 kun oo carruur Soomaaliyeed ah ayaa khatar ku jira

Image

October 16, 2014 (GO)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in konton kun oo carruur Soomaaliyeed ahi halis ugu jiraan inay macaluul iyo nafaqo darro u geeriyoodaan, hadii sida ugu dhaqsaha badan aan gargaar bini aadamnimo loogu fidin.

Abaar ka jirta Soomaaliya ayaa sii xumeysey xaaladda bini aadamnimada ee horay u jirtey kana dhalatay mudo labaatan sano ka badan oo dalku xasilooni darro ku jirey.

Ururka Al-shabab oo laga saaray magaalooyin dhowr ah ayaa kahor joogsadey in gargaarka bini aadamnimada la gaarsiiyo qaybo kamid ah dalka.

Xiriiriyaha gargaarka bini aadamnimada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Philippe Lazzarini  ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay tallaabo deg deg ah qaado si loo badbaadiyo caruurta Soomaaliyeed.

" waxaa jira in ka badan hal milyan oo qof oo u baahan gargaar bini aadamnimo, dadkaaas waxaa ku jira 250 kun oo carruur ah, kuwaasoo konton kun oo kamid ahi halis ugu jiraan inay dhintaan...ilaa iyo hadana wax gargaar ah looma fidin" Philippe Lazzarini  ayaa yiri.

Inkastoo roobabkii Dayrtu qaybo badan oo dalka ka tirsan ku hooreen, waxaa hadana weli jirta abaar ka taagan deegaano ka tirsan koonfurta iyo gobollada dhexe.

Xigasho: Famagusta Gazette

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM