Ururka Al shabaab oo toogasho ku diley afar nin

Image

MARKA, Somaliya-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshoyaadka Al shabaab degaanka Buulafuuleey toogasho ku dileen Afar nin.

Afartaan nin ayaa wararka degaankaas ka imaanaya xusayaan in lagu eedeeyey iney u basaasayeen sirdoonka Mareykanka iyo Kenya.

Ragaan toogashada lagu diley ayaa ururka Al shabaab sheegey inuu ku jiro nin lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa duqeyntii lagu diley hogaamiyahoodii Axmad Godane, Cabdishakur Tahliil, Yusuf Dheeg oo ahaa taliyeyaal ka tirsan Al shabaab bilihii December 2014 iyo Feb 2015.

Ciidamada Sirdoonka Mareykanka ayaa bilihii ugu dambeeyey kor u qaadey weerarada ay la beegsanayaan hogaamiyahoodii-yaasha ururka Al shabaab taasoo khasabta iney toogtaan dadka ay ugu shakiyaan 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM