Villa Soomaaliya oo lagu eedeeyay xiisadda Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY  (GO) - Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay booqasho halkaasi ay ku tageen wafdi wasiirroa ah oo ka socda maamulka Jubbaland.

Dibaxbax rabshado watay ayaa ka dhacay magaalada Shalay oo Jimco ahayd, kaasoo dhaawac lagu gaarsiiyay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw Xirsi.

Wasiirka ayaa soo gaarey dhawac fudud, oo Dakhar madaxa ah kadib markii dad caraysan ay dhagax ku weerareen isaga iyo xubno la socda oo howlo shaqo iyo kormeer u jooga magaalada Garbahaarey.

Aw Xirsi ayaa ku tilmaamay kacdoonka Garbahaarey ee looga soo jorjeeda Jubbaland uu yahay mid lasoo abaabulay, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhuftay cidda gadaal ka riixaysa dibaxbaxyada.

Balse, waxay tani kusoo beegmaysaa xilli cilaaqaadka iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee Villa Somalia iyo Jubbaland uusan wanaagsaneyn, islamarkaana dhowr jeer Axmed Madoobe eedeymo kul-kulul u jeediyay dowladda Federaalka.

Jubbaland ayaa dhawaan kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad siday Taliye-yaal ciidan, oo uu ku jiro Taliyaha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43aad ee ciidanka xoogga.

Mas'uuliyiin katirsan Villa Somalia iyo kuwa kale oo uu kamid yahay Fahad Yaasiin, Agaasiimihii hore ee Aqalka Madaxtooyadda, oo hadda loo magacaabay Ku xigeenka Taliyaha NISA ayaa la sheegay inuu si qaraoodi ah uga shaqeynayo sidii Madaxweyne Axmad Madoobe loo badali lahaa isagoo mucaaradad xoogan kaga kiciyey gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland.

Villa Soomaaliya ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan waxaa ka Go’an iney Badalaan Madaxweyne Axmad Madoobe iyadoo xubno diidey magacooda oo ka tirsan maamulka Jubaland u sheegeen Garowe Online in dowlada Federaalka si toos ah u kala qaybineyso beelaha dagan maamulkaas.

Dhowaan ayaa la filayaa in Kismayo lagu qabto kulan ay isugu imaanyaan golaha maamulada Soomaalida kasoo ajendaha ugu koreeya uu yahay faragalinta dowlada Federaalka ku hayso maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM