Waare oo caro kala dul dhacay DF Soomaaliya xili uu hanjabaad u diray [DAAWO]

Image

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle mudane Maxamed Cabdi Waare oo la hadlaya Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale ee kasoo jeeda gobolada maamulkaan ka arimiyo ayaa hanjabaad hawada u mariyey Madaxda dowlad Federaalka ah, oo uu ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayso maamulkiisa.

Waare ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Kismaayo ugu soo gabagaboobay Madaxda maamuladda ay dowladdu cadaadis xoog leh soo saartay maamulkiisa iyo Galmudug, isaga oo iswaydiiyey sababta ay sidaasi u samaynayso xukuumadda.

“War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Kismaayo, waxa uu kusoo baxay Is-jiidjiid badan. Dowladda waxay cadaadis soo saartay HirShabelle iyo Galmudug, maxay tahay sababta? War-murtiyeedka Shanta maamul ayaa soo saartay waxay Galmudug iyo HirShabelle kaliya ku koobay? Hada kahor waxaa ka yiri, Shabeel ayaa ilmihiisa waxaa ku istaagay Geel, waa loo sheegay oo waxaa ka yiri Shabeellow Ilmahaagii Geelaa ku istaagay. Geel ma ahan ayuu yiri, waxa ku istaagay Ari waaye. Hadii Galmudug iyoo HirShabelle, ari degan yihiin waa la arki doonaa, Dowladda faragelinta hanaga joojiso,” ayuu yiri Waare.

-Amniga caasimadda –

Amnaanka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayuu Waare afka ku balaariyey inay dowladdu ku fashilantay, isaga oo tibaaxay inay kaliya xakameysay qayb ahaan, wuxuuna tilmaamay inay aad uga cabsi qabaa in qaybta ay haatan dowladdu gacanta ku hayso ay ka baxdo sanadaha soo socda, taasoo uu si wayn uga qaylo dhaamiyey.

“Jidka Wadnaha wixii ka koreeya dowladda gacanta kuma hayso waadna ogtihiin waadna la socotaa. Magaalada waxaa u yaala khad cagaaran. Waxaan walwal ka amaanka Magaaladda uu gacmaha ka bixi doono mardhow. Xogtaasi hadii ay dowladda hayso oo aysan ka falcelinaynin waa masuuliyad daro, haday ogtahayna waa masuuliyad darro kasii daran,” ayuu xusay.

-Isbedalka NISA lagu sameeyay –

Madaxwaynaha HirShabelle oo soo hadalqaaday kala diridda ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kuwaasoo lagu daray qaarkood Booliska ayaa shaaca ka qaaday in qaybta kale loo diray degaanada maamul goboleedyada, halkaasoo uu cod dheer ku qeexay inay dhibaatooyin ka gaysanayaan.

“NISA waxaan ogayan inay laf-dhabar u ahaanyeen amniga oo goobihii la qabsado saacado kusoo koobi jireen. Haatan waxaa la leeyahay waxaa lagu daray Booliska, sidee laysugu dari karaa, waa Labo ciidan oo kala duwan oo Mandate-ka kala duwan haysta. Kuwa kale waxay nagu dhibaan Jowhar iyo Beladwayne. Sidee sarkaal NISA ah isaga oo Boorso lacag wada uu Xilldhibaanada loogu qaybinayaa,” ayuu Waare daba dhigay.

Xilldhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Madaxwayne Waare inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama sida uu hadalka u dhigay amaanka caasimadda uu isbedalay, taasoo uu sheegay inay kamid tahay waxyaabaha ay ka walwalsan yihiin madaxda maamul goboleedyadda.

-Qodobo kale –

Maamulka Gobolka Banaadir ayuu ku eedeeyay inuu ka gaabiyey wax ka qabashadda amaanka caasimadda, isaga oo dowladda Federaalka ku dhaliilay inay bedasho qof walba oo ka aragti duwanaadda marka ay timaado sugitaanka nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka.

Dastuurka ayuu cod dheer ku qeexay inay dowladda ku tumatay, ayna dowlad goboleedyadda kala sameynin wax latashi ah, marka ay timaado dadaaladda dib u eegista loogu samaynayo Dastuurka.

Shuruucyadda doorashooyinka qof iyo cod 2020-ka ayuu sheegay in aanan lagala samaynin wax la tashi ah, isaga oo aad walaac uga muujiyey in lagu soo daro qodobo dani badan ugu jirto dowladda Federaalka, gaara ahaan madaxda haatan xilka haysa.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeynesa sidii madaxweyne maamulka Hirshabeele mooshin uga keenni lahaayeen Barlamanka mamaulkaas oo fadhigiisu yahay magaalada Jowhar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM