27 Octobar, 2015(GO)-Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay deegaano ka tirsan gobolkaasi, waxaana jira cabsi xooggan oo laga qabo inuu saameeyo deegaano kale.

Shabelle ayaa ku fatahay deegaanada Xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad,deegaanka Maagaay oo ka tirsan degmada Jowhar iyo deegaanka Huriwaa oo hoostagta degmada Mahadaay.

Warar ka imaanaya  goobaha uu maro wabigaasi ayaa sheegaya, inuu jiro cabsi xoog leh oo laga qabo fatahaad kale, ka dib markii ay da'een Roobab kale.

Daadka ayaa saamaysay dhul Beereed xoggan, dadka deegaanka oo la hadlay Garowe Online sheegaya inay waayeen dalagyo u beernaa.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay Warbaahinta Afka dowladda Somalia ku hadashada ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo sidii ay gacan ugu siin lahayd ka hortagidda in webiga uu fatahaad sameeyo, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan fatahad u webiga ka geystay degmada Mahadaay ay ku barakaceen qoysas badan.

Goobaha uusan weli ku fatahin waxaa ka socda dadaal xoog leh, iyadoo dadka deegaanku sameeyeen biyo xireeno kala duwan, sida ay muujinayaan Sawirro laga soo qaaday.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli laga cabsi qabay fatahaad ka dhalata wabiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

GAROWEONLINE